Cudurka Furuqa Daanyeerka oo ku Faafaya Qaaradda Afrika.

0

Waxa loogu yeero hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay, in 11 dal oo Afrikaan ah ay diiwaangeliyeen faafitaan firfircoon oo uu sameynayo cudurka Furuqa Daanyeerka, muddadii u dhexeysay 6-dii Luulyo iyo 16-kii Agoosto ee sanadkan 2026-ka. Muddadaas waxaa la xaqiijiyey, 1,153 kiis, halka 7 qof ay u dhinteen cudurka.

Madagascar ayaa noqotay dalka ugu badan ee kiisaska laga diiwaangeliyey, iyadoo laga xaqiijiyey, 785 kiis, waxaana ku xigay Angola oo laga helay 184 kiis oo cudurka Furuqa Daanyeerka ah, Kenya oo laga soo calaamadeeyay 94 kiis, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo laga helay 41 kiis, iyo Cameroon oo laga soo diiwaangeliyay 28 kiis oo cudurka Furuqa Daanyeerka ah.

Xogtan ayaa muujinaysa, in Furuqa Daanyeerka uu weli si firfircoon uga dhex faafayo qaybo ka mid ah qaaradda Afrika.

Cudurkan oo la sheegay, in markiisii hore uu kasoo gudbay Daanyeerta ayaa waxaa lagu gartaa calaamado ay kamid yihii: qandho, madax-xanuun, qanjirrada oo barara iyo finan ama nabarro maqaarka ka soo baxa. Ka hortaggiisana waxaa ka mid ah, in laga fogaado qof qaba cudurka, aan lala wadaagin waxyaabaha gaarka u ah, iyo in gacmaha oo si joogto ah loo nadiifiyo, marka intaasi lagu daro in Allaah lagu xirnaado.

Leave A Reply

Your email address will not be published.