Askar Katirsan Dowladda Suuriya ayaa ku Dhintay Qarax ka Dhacay Gudaha Dalkaas.

0

Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar katirsan dowladda Suuriya oo ka dhacay magaalo katirsan dalkaas.

Ila wareedyo Suuriyaan ah ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 katirsan ciidanka wasaaradda difaaca ee Suuriya ay ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen, qarax shalay ka dhacay xarun hubka lagu keydiyo oo ku taalla magaalada Deyru-Zuur ee dalka Suuriya.

Qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee Suuriya ayaa dhankooda sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen 11 askari kuna dhaawacmeen 10 kale, illaa iyo haddana lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa qaraxa ka dhacay xaruntaan hubka lagu keydiyo ee ku taalla dalka Suuriya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.