Jabuuti oo Walaac ka Qabto, in Xuutiyiinta Laga Weeraro Dalkeeda, Xilli ay Kasii Darayso Xiisadda Gobalka.

0

Ilyaas Muuse Dawaale oo ah Wasiirka Maaliyadda ee Jamhuriyadda Jabuuto oo wareysi siinayay warbahinta ayaa sheegay, inay aad uga feejigan yihiin isbadallada ka socda Yemen gaar ahaan la wareegidda Xuutiyiinta ee Baabul Mandab.

Wasiirka ayaa hadalkiisa intaasi ku daray,in mowqifka Jabuuti uusan isbeddelin, isagoo ka jawaabayay mar su’aal laga weydiyay, in Jabuuti ay wax ka badashay diidmadii hore ee codsi uga yimid Maraykanka oo ahaa, in ciidammada Maraykanku isticmaalaan xarumaha millitari ee Jabuuti si ay u weeraraan Xuutiyiinta.

Wuxuu tilmaamay, in Mareykanka iyo dowladaha kale ee fariisimaha kuleh Jabuuti aysan maanta iyaguba doonaynin, iay weeraraan Xuuthiyiinta.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu Wasiirka carrabka ku adkeeyay, in Jabuuti aysan ogalaanaynin, in loo soo raro colaadda ka taagan Yemen.

Dalka yar ee Jabuuti ayaa waxaa ku yaalla sadhigyo fara-badan oo ay leeyihiin dowladaha Reer Galbeedka, gaar ahaan waxaa dalkaasi ku yaalla Saldhigga militariga ee ugu weyn ee uu Mareykanka ku leeyahay qaaradda Afrika.

Horay Mareykanka ayaa la sheegay, inuu Jabuuti ka codsaday, inuu Xuuthiyiinta ka weerara saldhiggaas, balse uu diidmo kala kulmay.

Xuuthiyiinta oo haatan la wareegay, xeebaha Baabul Mandab ayaa aad ugu soo dhawaaday saldhiggaas, iyagoo awood uleh, inay si fudud u beegsadeen haddii laga soo weeraro, arintaas waxey khatar ku tahay ayaa la leeyahay guud ahaan Shacabka Jabuuti, maadaama maamulka ka taliyo halkaas uusan laheen awood uu uga hortago gantaallada maleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

Leave A Reply

Your email address will not be published.