Wiil Dhalinyaro Falastiini ah oo U Shahiiday Tacdiib Daran oo ay Yahuuddu u Geystay.
Axmed Samiir Cowdah oo ah wiil dhalinyaro Falastiini 23 jir ah ah ayaa la xaqiijiyay inuu u shahiiday, tacdiib fool xun oo ay Yahuuddu ugu geystay mid kamid ah xabsiyadeeda.
Axmed waxa uu muddo ku jiray xabsiyada Sahaayinada, waxaana xusid mudan in marar badan oo kala duwan ay Yahuuddu xiray wiilkaan dhalinyarada ah.
Xarigii ugu dambeeyay ee ay Yahuuddu kula kacdo Axmed ayaa dhacay bishii Febraayo ee lasoo dhaafay, balse ugu dambeyn wuxuu ushahiiday tacaddi wuxuushnimo ah oo uu kala kulmay Yahuudda.
Xabsiyada Yahuudda ayaa waxaa ku jira kumannaan ruux oo kamid ah Muslimiinta Falastiin, kuwaas oo wajahaya xaalado xun, iyadoo Yahuuddu ay si hoose iyo si muuqataba u leyneyso maxaabiista Muslimiinta