Jabhada Faano oo Hogaamiye ka Tirsan Maamulka Gobolka Amxaarada Mid ka Mid ah Gobollada Maamulkaas.

0

Iyadoo ay maalmihii la soo dhaafay sii xoogeysanayeen, dagaallada u dhaxeeyo Jabhadaha hubeysan iyo Dowladda Fedaraalka ee Itoobiya, ayey wararka ka imaanayo Waqooyiga dalkaasi ku warramayaan, in gobolka Amxaarada lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka gobolkaasi ee taabacsan dowladda Itoobiya.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan iney jabhaddu weerar toogasho ah ku dileen hogaamiye ku xigeenkii dhanka amniga ee degmada Baaso ee Waqooyiga Shawa.

Hogaamiyahaan la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Tasfaay kitaajo, waxaana uu weerarkaan togashada ah la kulmay xilli uu ku sii jeeday dhanka magaalada Dabra-burhaan, iyadoona dilkiisa uu xaqiijiyay maamulka gobolka Amxaarada.

War ka soo baxay maamulka gobolka Amxaarada ayaa waxaa lagu sheegey iney dilkaasi ka dambeeyeen Kooxda Faano, waxaana ay ku Hanjabeen in ay qaadi doonaan weerarro ka dhan ah Jabhadda Faano.

Dilka hogaamiyahaan ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo kooxada Faano ay sii laba jibartay weeraradeeda ka dhanka ah Xubnaha ka tirsan Dowladda Itoobiya.

Dhawaan ayeen ahayd markii ay baraha ay intarnedka ku leeyihiin ay ku baahiyeen, xogo sheegeya in ay bartilmaameedsadeen fariisimo kala duwan oo ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Bariga Goojaam ee gobolka Amxaarada, iyagoon dhabbaha u galay kolanyo gadiid ah, halkaasna ku gaarsiiyay khasaare kala duwan.

Halkaan ka Degso Warka Itoobiya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.