Dowladda Shiinaha oo u Hanjabtay Soomaaliland Kadib Markii uu CirroKa Hadlay Arrin La Xiriirta Taiwan.
Safaaradda ay dowladda Shiinaha ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay si adag uga hortimid hadal uu dhawaan ka dhawaajiyay Hogaamiyaha maamulka la baxay Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), oo ku aadan Taiwan.
Masuul u hadlay safaaradda Shiinaha ayaa waxa uu shaaciyay, in Cirro uu jeediyay hadal ka hor imaanaya mabda’a Shiinaha iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalka Shiinaha, isagoo tilmaamay in ay si adag uga soo horjeedaan hadalka Cabdiraxmaan Cirro uu ka sheegay Taiwan.
Afhayeenka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay, in Taiwan ay ka mid tahay Shiinaha, Shiinuhuna uu yahay hal dal kaliya, waxa uuna dhanka kale siyaasiyiinta caalamka ugu baaqay in ay arrintan si aad ah u fahmaan, isla markaana ay joojiyaan xadgudubka ay wadaan sida uu hadalkiisa udhigay.
“Ka gudubka khadka cas ee arrinta Taiwan wuxuu horseedi doonaa cawaaqib culus,” ayuu yiri afhayeenka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, waxa uuna dhanka kale sheegay in Soomaaliland ay tahay qeyb kamid ah Soomaaliya.
Mar uu wareysi siinayay mid kamid ah telefishinnada Mareykanka ayuu sheegay Cirro in Shiinaha iyo Taiwan ay ula dhaqmaan sidii labo dowladood oo kale, midaas oo si weyn uga careysiisay Dowladda Shiinaha.
Arrintan ayaa waxa ay imaaneysaa xilli uu Hogaamiyaha maamulka la baxay Soomaaliland, Cabdiraxmaan Cirro ku sugan yahay dalka Mareykanka, halkaasna uu ku bixinayo wareysiyo kala duwan.