Jabhadda TPLF oo Shaacisay Qorshe Hubka Looga Dhigayo Kooxo Tigree ah oo Kasoo Horjeeda Maamulkooda.

0

Hoggaanka Jabhadda TPLF ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo hubka looga dhigayo kooxo hubeysan oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigreega, kuwaas oo siyaasad ahaan la safan dowladda federaalka Itoobiya, isla markaana ka howlgala deegaanno ku dhow xadka gobolka Tigrayga.

Go’aankan ayaa lagu gaaray kulan ay madaxda maamulka Tigray ku yeesheen magaalada Maqalla, waxaana lagu sheegay in qorshuhu uu diiradda saarayo dadka ka baxay gobolka oo ku biiray kooxaha hubeysan.

Inkasta oo TPLF aysan si rasmi ah u magacaabin kooxaha uu qorshuhu quseeyo, haddana warbaahinta gudaha Tigray ayaa sheegtay in hadalkaasi inta badan loola jeedo habhada TPF, oo ah koox hubeysan oo ka soo horjeeda TPLF, isla markaana saldhigyo ku leh gobolka Canfarta.

Wararka ayaa tilmaamaya in sanadkii 2025-kii ay cutubyo ka tirsan ciidamada Tigreega ee kasoo horjeeda TPLF u gudbeen gobolka Canfarta, iyaga oo sheegay inay dagaal kala hortagayaan hoggaanka TPLF. Kooxahaas ayaa horay ugu eedeeyay TPLF inay xiriir la yeelatay dowladda Eritrea isla markaana ay qorsheynayso dib u hurinta colaadda waqooyiga Itoobiya.

TPLF waxay sheegtay inay diyaarisay qorshe iyo hannaan lagu dhiirrigelinayo dagaalyahannada Tigreega ah ee doonaya inay iskaga baxaan safkooda, iyadoo ballanqaadday in dadka hubka dhiga la siin doono taageero iyo fursado ay dib ugu biiraan bulshada iyo hay’adaha maamulka gobolka.

Hubka dhigistan ayaa u muuqata mid ay Tigreegu ku doonayaan inay kaga takhalusaan koox kasta oo isku dayda inay taagero u muujiso Dowladda Itoobiya, waxayna dadaal badan ku bixinayaan sidii ay u midayn lahaayeen safkooda, isla markaana dagaal adag ula gali lahaayeen maamulka Abiy Axmed.

Leave A Reply

Your email address will not be published.