Ku Dhawaad 10 Askari oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Weerar Ka Dhacay Bariga Dalka Yemen.

0

Dalka Yaman waxaa laga helayaa warar sheegaya, in ku dhawaad 10 askari oo ka tirsanaa dowladda Yemen ay dhimasho iyo dhawac ku noqdeen weerar ka dhacay Bariga dalkaasi Yaman oo kamid ah dhulka ay gacanta ku hayso dowladda Yemen ee taageerada ka hesha dowladda Sucuudiga.

Ugu yaraan 8 askari ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerar hubeysan oo laga soo diwaangaliyay degmada Ramaah As-Saxraawiyyah oo ka tirsan gobolka Xadramawt ee Bariga dalkaas, waxay wararku tibaaxayaan in khasaaraha ka dhashay weerarkaas uu sii kordhi karo, maadaama goobta weerarka lala beegsaday ay ku sugnaayeen askar badan.

War-saxaafadeed ay soo saareen ciidamada dowladda ayaa lagu sheegay in 5 askari oo ka tirsanaa guutada 4-aad ay ku dhinteen weerarka, halka 3 kale ay ku dhaawacmeen, kadib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen iyaga oo ku sugnaa mid ka mid ah maqaayadaha degmada.

Weerarkan ayaa ka dhacay gobolka Xadramowt oo ciidamada dowladda Yemen ay dib ula wareegeen horraantii sanadkan, kadib dagaallo dhex maray ciidamada dowladda oo taageero ka helaya Isbahaysiga uu Sucuudigu hogaaminayo iyo ciidamadii Golaha Kumeel-gaarka ee Koonfurta.

9-kii Janaayo sanadkan 2026-ka, Golaha Kumeel-gaarka ee Koonfurta Yaman ayaa ku dhawaaqay inay iskood isu kala direen, isla markaana ay baabi’iyeen dhammaan hay’adohoodii iyo xafiisyadii ay ku lahaayeen gudaha dalka iyo dibadiisa, kadib markii ay ku guul-darraysteen qorshihii ay ku doonayeen inay si xoog ah ula wareegaan gobollada koonfureed ee dalka Yemen, si ay uga gooyaan dalka intiisa kale.

Halkaan ka Degso Warka Yaman.

Leave A Reply

Your email address will not be published.