Ku Dhawaad 10 Ruux oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Toogasho ka Dhacday Dalka Mareykanka.
Weerar toogasho ah ayaa ka dhacay maqaaxi ay xaflad ka socotay oo ku taalla magaalada Seattle (Siyatal) ee gudaha Mareykanka, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan laba ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyoodeen weerarkaan toogashada ah halka ay ku dhaawacmeen shan kale, kuwaas oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo halis ah.
Booliska Mareykanka ayaa sheegay in laba kamid ah saddexda ruux ee lagu dilay weerarka ay isla goobta ku geeriyoodeen, halka kan saddaxaadna uu ku dhintay xarun caafimaad oo la geeyay.