Maraykanka oo Joojiyey Fiisihii Safiirka Brazil, Kadib Khilaaf Diblomaasiyadeed oo soo Kala Dhexgalay Dowladahaas.
Dowladda Maraykanka ayaa joojisay fiisihii safiirka Brazil u fadhiya magaalada Washington, iyadoo ay tallaabadan ku sheegtay mid jawaab u ah go’aankii dowladda Brazil ay ku diidday inay bixiso, oggolaanshaha diblomaasiyadeed ee musharraxa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u magacaabay safiirka Maraykanka ee Brazil.
Sidoo kale dowladda Brazil ayaa dhawaan diidday inay fiisooyin siiso tiro diblomaasiyiin Ameerikaan ah.
Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa sheegay in fiisaha safiirka Brazil dib loo soo celin doono marka ay dowladda Brazil siiso oggolaanshaha rasmiga ah musharraxa Ameerikaanka ah.
Sarkaalku wuxuu caddeeyay in tallaabadan aan loo aqoonsan karin cayrin safiir, balse ay tahay tallaabo diblomaasiyadeed oo is-dhaafsi ah, taas oo looga jawaabayo go’aannadii ay Brazil ka qaaday diblomaasiyiinta Maraykanka.
Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Washington iyo Brasília ayaa sii xoogeysanaysa, iyadoo salka ku haysa khilaaf la xiriira matalaadda diblomaasiyadeed ee labada dal.