Masar oo Kordhineysa Xiriirka ay La Leedahay Dalalka Geeska Afrika Iyadoo Itoobiya Arrintaas ay Walaacsan Tahay.

0

Mudooyinkii dambe waxaa sii xoogesanayay galaangalka siyaasadeed ee ay dowladda Masar ku leedahay wadamada dhaca Bariga qaaradda Africa, iyadoon arrintaas ay walaac xooggan ku aboortay dawladda Itoobiya oo uu khialaf siyaasadeed kala dhaxeeyo Masar.

Sabtidii ina dhaaftay waxaa khadka taleefoonka ku wada xiriiray Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Cabdul-Caadi iyo dhiggiisa dalka Jabuuti Cabdulqaadir Xuseen Cumar, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriiro siyaasadda gobolka Geeska Afrika.

Wadahadalladaan udhaxeeyo labada wasiiir ayaa waxa ay daba socodaan, kullamo siyaasadeed oo uu Badar Cabdul-Caadi la yeelanayo qaar kamid ah masuuliyiinta gobolka, sida wadamada Eritrea, Soomaaliya iyo Sudaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar wuxuu sheegay, in uu sii xoogeysanayo xiriirka Masar iyo Jabuuti , isla markaana labada dal ay iskaashi dheeraad ah ka sameyn karaan tamarta, dhismaha, dekedaha, adeegyada saadka iyo isku-xirka gaadiidka badda.

Wadahadalka labadaan Wasiir ayaa waxa uu ku soo aadayaa, xilli dowladda Masar ay kordhinayso dhaqdhaaqyadeeda diblomaasiyadeed ee ay kula xiriirayso dalalka Geeska Afrika.

Wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa dalka Itoobiya ayaa waxa uu qoray, in wadahadalladani ay dhacayaan xilli dowladda Masar ay si toos ah u muujinayso in amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika ay si dhow ula xiriiraan danaha amni ee Masar.

Si kastaba, xiriirada wanaagsan ee ka dhaxeeyay wadamada Masar iyo Eritrea, ayaa waxa uu walaac xoogan ku abuuray, dowlada Itoobiya, waxa ayna Itoobiya aaminsan tahay, in xiriirada ay Masar la sameeneyso wadamada gobolka, ay cadaadis ku saareyso xukuumadda Adis Ababa, iyadoon Masar dooneyso in ay Itoobiya ka hor istaagto hilitaanka marin-badeed ay si joogto ah u isticmaasho.

Leave A Reply

Your email address will not be published.