Shil gaari oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka Dhacay Gobolka Bari.

0

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka dhacay shil gaari oo sababay dhimashada iyo dhaawaca 10 ruux.

Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo midi yahay gaari ciidan halka midka kalena uu ahaa bas ay saarnaayeen dad shacab ah.

Laba ruux ayaa ku dhimatay 8 kalena waa ay ku dhaawacmeen, wuxuuna shilkan si gaar ah kaga dhacay koontaroolka hore ee magaalada Boosaaso.

Gaadiidka ay isticmaalaan ciidamada Dowaldda Fedaraalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa inta badan waxaa shilalka ay galaan sabab u ah xawaare xad-dhaaf ah oo ay ku kaxeeyaan wadayaasha gaadiidkaas, waxayna inta badan galaan shilal khasaare kala duwan dhaliya.

Maalmo kahor ayey ahayd markii gaari ciidan oo ay leeyihiin askarta maamulka la baxay Jubbaland islamarkaana ku socda xawaare sare uu shil ku galay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, isagoo halkaasi ku laayay dad shacab ah qaar kalena ku dhaawacay.

Leave A Reply

Your email address will not be published.