Siyaasi DF Ku Eedeeyay Xariga Xubno Isaga Taabacsanaa oo Qayb Ka Ahaa Doorasho uu Xassan Sheekh Wado.

0

Maxamed Shaakir oo ah hogaamiyaha dhanka siyaasadda iyo fulinta ee kooxda Suufiyada, kana mid ah musharrixiinta utartameysa xilka madaxtinimada ee maamulka la baxay Galmudug ayaa waxa uu ka hadlay, doorashada uu Xasan Sheekh ka wado deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaas.

Waxa uu sheegay in qaabka ay u dhacday doorashada maamulka la baxay Galmudug ay tahay si ka duwan sidii ay filayeen ee aheyd qof iyo cod, balse ay tahay mid la isku dilayo islamarkaana la isku awood-sheegtay.

Wuxuu tilmaamay iney kasoo horjeedaan doorashada nuucaas ah ee uu Xasan Sheekh ka wado dhulkaas, isagoo Dowladda Fedaraalka ku eedeeyay iney xabsiga dhigtay xubno iyaga taabacsan oo ka qeyb galayay doorashada.

Sidoo kale ururada siyaasadda ee qeybta ka ahaa doorashada ay Dowladda Fedaraalka ka wado deegaannada uu ka arrimiyo maamulka la baxay Galmudug, ayaa dhankooda waxay kasoo horjeesteen natiijada kasoo baxda doorashadaas.

Dowladda Fedaraalka ayaa culees adag kala kulmeysa doorashooyinka ay ka wado deegaannada uu ka arrimiyo maamulka la baxay Galmudug, waxaana muuqata in haddii sida ay hadda wax ku socdaan ay xaaladdu sii ahaato ay deegaannadaas ka dhacaan dagaallo salka ku haya doorashooyinkaas.

Leave A Reply

Your email address will not be published.