Waxaa Isa Soo Taray Saraakiisha katirsan Dowlada Fedaraalka ee Laga Burburinayo Guryahooda

0

Waxaa aad usii xoogeystay dhulboobka ka socda magaalada Muqdisho ee ay waddo Dowladda Fedaraalka, kaasoo aysan jirin cid ka badbaadday, xataa xubinihii iyada katirsanaa gaar ahaan ciidankeeda oo iyagu ah kuwa fulinaya dhuboobka ka socda caasimadda.

Taliye Shaah-macabe waxaa sanado kahor lagu waayay dagaalkii taariikhida galay ee Cowsweyne oo ay kasoo wareegtay muddo seddax sano ah, Dowaldda Fedaraalka oo aan illaa iyo hadda jawaab ka bixin nolol iyo geeri waxa uu ku sugan yahay ayaa barakicsay gurigoodana ka burbuisay qoyskiisa, waana kuwan iyagoo ka hadlaya boobka iyo burburinta ay la kulmeen.

Dhanka kale, sarkaal taliye horin ah oo kamid ah ahaa ciidaamda ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa Dowladdii Fedaraalka ee uu u dagaallamayay waxay gurigiisa gelisay Cagaf iyadoo ku burburisay.

Sideed saac oo habeennimo ayaa loo soo sheegay in xukuumaddii Xasan Sheekh ee uu udhimanayay qoyskiisa xabad ku waddo, waxaana loo sheegay markii la burburiyay gurigiisa in dhulkiisa uu qeybna gato qeybta kalena dadkii dhulka burburiyay ee katirsanaa Dowladda Fedaraalka ay qaadaayaan.

Waa isagoo ku sugan halkii laga burburiyay gurigiisa oo la hadlaya warbaahinta kana hadlaya waxa ku dhacay.

Sarkaalkan taliye horinta ah ayaa muddo dheer oo dhowr iyo taban sano ah usoo dagaallamayay Dowladda Fedaraalka, waxayna maanta abaalkiisa ka dhigtay ineyu gurigiisa burburiso isagoo difaacaya xadgudubyada ay ku kaceyso.

Sidoo kale Shaah-macabe oo isaguna ahaa Sarkaal taliye guuto ah ayaa qoyskiisa oo daruufeysan waxaa loogu deray barakicin iyo burburin, waxayna dadka aqoonyahannada iyo waxgaradku sheegayaan in masiirkan oo kale iyo mid ka daran ay suuragal tahay inuu sugayo askarta iyo saraakiisha u dagaallameysa Dowladda Fedaraalka.

Leave A Reply

Your email address will not be published.