Maxaan Kala Soconnaa Dhibaatooyinka ay Muslimiinta Liibiya Ku Hayaan Raadadkii Gumeysi ee Talyaaniga?
Duullaankii Talyaanigu ku qaaday dalka Liibiya ma ahayn oo keliya olole militari oo degdeg ah oo lagu doonayay in lagu ballaariyo saamayn siyaasadeed. Balse wuxuu ahaa mashruuc gumaysi oo ballaaran, dejinta dad cusub oo Talyaani ah iyo hawlo sirdoon oo ujeedadoodu ahayd in dib loo soo nooleeyo Boqortoyadii Roomaanka iyo Baysandiiniyiintii dabar-go’ay. Gumeystayaashu waxay Liibiya u arkayeen dhul taariikh ahaan iyo juqraafi ahaan ay xaq u lahaayeen Roomaanka iyo Baysandhiiniyiintii balse ay Muslimiintu ka qabsadeen xilliyadii furashooyinkii Islaamka ee hore, markaas ayay dhulka Liibiya ku faaftay diinta Islaamka.
Iyaga oo ka duulaya aragtidaas iyo himilada gumaysi, weerarka Talyaanigu wuxuu bartilmaameedsanayay dadka Muslimiinta ah, lana baabi’iyo jiritaankooda iyo aqoonsigooda Islaamiga ah. Si taas loo hirgeliyo, waxay adeegsadeen habab kala duwan oo ay ka mid ahaayeen awood dhaqaale oo nidaamsan, hawlo sirdoon iyo xoog ciidan, iyaga oo doonayay in Liibiya si khasab ah loogu daro nidaamka Reer Galbeedka isla markaana laga gooyo xidhiidhkeeda diineed iyo ilbaxnimo ee Islaamka.
Marxaladii Koowaad: Galitaankii Sirdoon ee Liibiya, Gacan-ku-dhiigleyaashii Dhaqaalaha iyo Heshiisyadii Gumaysiga intii u dhaxaysay sanadadii 1881–1908-dii Miilaadiga:
Ka hor intii aanu Talyaanigu bilaabin duullaankii tooska ahaa ee militari, waxa uu qaaday tallaabooyin qorshaysan oo lagu wiiqayay bulshada Islaamka, si dalka loogu diyaariyo in si buuxda loo gumaysto. Talyaanigu wuxuu gudaha dalka soo galay isaga oo adeegsanaya ururro diin-faafin, shirkado ganacsi iyo dugsiyo lagu faafinayay dhaqanka Reer Galbeedka, kuwaas oo lagu tababarayay kooxo ku xiran fikraddiisa iyo dhaqankiisa. Isla markaana, wuxuu diray kooxo sahamin iyo cilmi-baaris qadiimi ah oo ujeeddadoodu ahayd inay diyaariyaan khariidado faahfaahsan, isla markaana uruuriyaan xog sirdoon oo ku saabsan dalka iyo dadka.
Laamo ka tirsan Bangiga DI Roma ayaa laga furay magaalooyinka waaweyn ee Liibiya. Sida lagu sheegay dhiganayaasha taariikhda, ujeeddadu ma ahayn horumarinta dhaqaalaha dalka, balse waxay ahayd in shacabka la geliyo deymo culus, si marka ay bixin waayaan loo la wareego dhulkooda iyo beerahooda. Sidoo kale, qunsuliyadihii gumaysiga ayaa loo adeegsanayay xarumo sirdoon iyo goobo laga hagayay qorshayaasha dhaqaale ee gumaysiga.
Talyaanigu wuxuu raadsaday taageero iyo aqoonsi caalami ah, si uu u fududeeyo qabsashada Liibiya, isaga oo heshiisyo la galay quwadihii waaweynaa ee xilligaas. Waxaa ka mid ahaa: Heshiiskii Isbahaysiga Saddex-geesoodka ee sanadkii 1882-dii. Is-afgarad uu la gaaray Ingiriiska sanadkii 1887-dii, kaas oo lagu sheegay inuu Talyaaniga u oggolaanayay inuu ku dhaqaaqo qorshihiisa Liibiya, halka Ingiriiskuna gacanta ku hayay dalka Masar. Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Heshiis uu la galay Faransiiska sanadkii 1902-dii, iyadoo Talyaaniga loo oggolaaday qabsashada Liibiya, halka Faransiiskuna uu danihiisa ka fulinayay Marooko iyo Jaad. Sidoo kale, wuxuu is-afgarad la yeeshay Ruushka oo ku saabsanaa marinnada badda iyo danaha istaraatiijiga ah ee gobolka.
Marxaladdii Labaad: Digniintii Qasabka ahayd iyo Duullaankii Tooska ahaa ee Militariga intii u dhaxaysay sanadadii 1911–1912-kii Miilaadiga:
Talyaanigu wuxuu si degdeg ah uga gudbay marxaladdii qorshaynta wuxuuna u dhaqaaqay weerar ciidan oo toos ah, isaga oo isku dayay inuu xoog ku xaqiijiyo qorshihiisa gumaysi. Sannadkii 1911-kii, Talyaanigu wuxuu maamulka Liibiya u diray digniin 24 saacadood ah, isaga oo dalbanayay in ciidamada difaacaya dalka laga saaro goobahooda, isla markaana magaalooyinka xeebaha lagu wareejiyo, isaga oo adeegsanaya marmarsiinyo kala duwan. Ka hor intii aanu waqtiga digniintu dhammaan, maraakiibta dagaalka ee Talyaanigu waxay durba billaabeen inay go’doomiyaan xeebaha Liibiya.
Ciidanka badda ee Talyaanigu wuxuu duqeyn culus oo madaafiic ah ku qaaday magaalooyinka xeebaha ee ay Muslimiintu degganaayeen, sida caasimada hada ee Tiriboli, Benghazi, Derna iyo Tobruk. Weerarradaas waxaa barbar socday ciidamo fara badan oo dhulka laga dejiyay, kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd inay go’doomiyaan dalka kana jaraan xiriirkii uu la lahaa dunida Islaamka.
Inkasta oo shacabka Liibiya ay dagaallo adag ugu jireen difaaca diintooda, dalkooda iyo naftooda, haddana Talyaanigu wuxuu ka faa’iidaystay heshiisyo siyaasadeed oo ay gaareen quwadihii reer Galbeedka sannadkii 1912-kii, taas oo u sahashay inuu xoojiyo joogitaankiisa millatari isla markaana adkeeyo gumaysigiisa. Heshiisyadaas ayaa lagu sheegay in lagu meel mariyay danaha quwadaha gumaysiga, iyada oo aan wax tixgelin ah la siin rabitaanka shacabka Liibiya iyo xuquuqdooda taariikhiga ah.
Marxalada Saddexaad: Iska-caabbintii Muslimiinta iyo Jabkii Ciidankii Gumaysiga ee Furimaha Dagaalka intii u dhaxaysay 1913–1927 Miilaadiga:
Muslimiinta Liibiya waxay muujiyeen adkaysi iyo geesinimo weyn, iyagoo si joogto ah uga hortagay ciidamada gumaysiga Talyaaniga, kana hor istaagay inay si fudud u hirgeliyaan qorshahooda qabsashada dalka.
Mujaahidiinta Liibiya waxay galeen dagaallo culus oo jab weyn gaarsiiyay ciidamada Talyaaniga. Dagaallada ugu caansanaa waxaa ka mid ahaa Dagaalkii Jimcaha ee sannadkii 1913-kii, iyo Dagaalkii Al-Qardhaabiyah ee sannadkii 1915-kii, kaas oo ka dhacay koonfurta magaalada Sirte. Dagaalkaas waxaa si mideysan uga qayb qaatay qabaa’ilka kala duwan ee Liibiya, waxaana lagu khasbay ciidamada Talyaaniga inay dib u gurtaan oo ay isku uruursadaan deegaannada xeebaha.
Mujaahid Cumar Al-Mukhtaar wuxuu gobolka Jabal Al-Akhdar ka dhigtay xarunta ugu weyn ee laga hagayay halganka hubeysan. Intii uu hoggaaminayay iska-caabbinta, wuxuu ciidamada Talyaaniga gaarsiiyay khasaare culus dagaallo badan oo ay ka mid ahaayeen Dagaalkii Al-Caqiirah, Dagaalkii Al-Maghmuurah, iyo Dagaalkii Ar-Ruxaybah ee sannadkii 1927-kii. Dagaalkaas dambe ayaa lagu sheegay in taliyihii Talyaaniga ee gobolka Barqah uu qirtay jabkii weynaa ee ciidamadiisa soo gaaray.
Cumar Al-Mukhtaar wuxuu adeegsaday xeelado dagaal oo casri ahaa, isaga oo ciidamadiisa u qaybiyay cutubyo yaryar oo dhaq-dhaqaaqoodu fudud yahay, si ay si degdeg ah ugu kala gudbaan goobaha dagaalka. Wuxuu ku tiirsanaa weerarro kedis ah iyo xeeladda ku dhufo oo ka dhaqaaq, taas oo u suuragelisay inuu ka gudbo yaraanta dhinaca tirada iyo hubka, isla markaana uu uga fogaado dagaallo fool-ka-fool ah oo uu la galo ciidamada gumaysiga ee ka awoodda badnaa.
Marxaladii Afaraad: Siyaasaddii Xasuuqa iyo Xeryihii Lagu Dhibaataynayay Dadka ee Saxaraha intii u dhaxaysay sanadadii 1340–1352 Hijri oo ku beegnayd 1922–1933 Miilaadiga:
Kadib jabkii iyo khasaarihii xooganaa ee gaaray ciidamada Talyaaniga, iyo markii ay ku guuldareysteen isku dayadii ay ku doonayeen inay wadahadal kula galaan Mujaahid Cumar Al-Mukhtaar ama ay ka joojiyaan halgankiisa, waxaa Talyaaniga talada la wareegay nidaamkii Faashiistaha ahaa sannadkii 1922-kii. Xukuumadda cusub ayaa Liibiya u dirtay ciidan aad u ballaaran, waxayna u magacawday nin lagu magacaabo Rodolfo Garaziyaani, kaas oo loogu talagalay inuu noqdo hogaamiyaha guud ee Ciidamada Gumaysiga, isaga oo hirgeliyay siyaasad arxan daran.
Ciidamadii Talyaanigu waxay bilaabeen inay la wareegaan hantida iyo beeraha dadka, burburiyaan dalagyada, dabar-gooyaan xoolaha, isla markaana aasaan ama sun ku shubaan ceelasha biyaha ee saxaraha. Ujeeddada laga lahaa tallaabooyinkan waxay ahayd in la gaajaysiiyo shacabka, lana wiiqo taageerada ay bulshadu siinaysay halganka hubeysan.
Kumannaan qof ayaa si khasab ah looga raray tuulooyinkoodii iyo deegaannadoodii miyiga, waxaana lagu ururiyay xeryo ku yaallay saxaraha oo lagu wareejiyay silig bir ah, waxaana lagu ilaalin jiray ciidan adag. Xeryahaas waxaa ka mid ahaa xeryaha Al-Caqiilah, Sidi Axmed Al-Maqruun, As-Suluuq iyo Al-Burayqah.
Gaajo si qorsheysan loo abuuray iyo cudurro ka dillaacay xeryaha ayaa sababay dhimashada tobannaan kun oo qof. Intaa waxaa dheeraa, Talyaanigu wuxuu dhisay xayndaab dheer oo silig ah oo ku teedsanaa xaduud beenaadka u dhexeeya Liibiya iyo Masar, si loo joojiyo in gargaar iyo sahay ay gaaraan xoogaggii iska-caabbinta. Tallaabadaas ayaa si weyn u wiiqday awooddii ciidamadii Mujaahidiinta ee uu hogaaminayay Cumar Mukhtaar.
Inkasta oo uu ka weynaa toddobaatan sano, hadana Mujaahid Cumar Al-Mukhtaar wuxuu sii watay hoggaaminta halganka iyo la dagaallanka gumaysiga isaga oo muujiyay adkaysi iyo geesinimo sare. Si kastaba ha ahaatee, awooddii militari ee Talyaaniga oo ku hubaysnayd hubkii ugu casrisanaa xilligaas ayaa ugu dambayn suuragelisay in la qabto. Sannadkii 1931-dii, ayaa Cumar Mukhtaar lagu fuliyay dil toos ah oo ay ka dambeeyeen ciidamadii Talyaaniga. Geeridiisu waxay noqotay dhacdo si weyn u gilgishay shacabka Liibiya iyo dunida Islaamka, waxayna dhalisay caro iyo murugo baahsan. Inkastoo la dilay hoggaamiyihii halganka, iska-caabbintii gumaysigu ma joogsan, waxayna sii socotay ilaa sannadkii 1933-dii.
Marxaladii Shanaad: Sharciyeyntii Nidaamka Gumaysiga iyo Weerarkii Lagu Qaaday Shacaa’irtii Islaamiga intii u dhaxaysay sanadadii 1350–1358 Hijri oo ku beegnayd 1931–1939-kii Miilaadi:
Kadib markii ciidamada Talyaanigu awood ciidan ku xakameeyeen inta badan goobihii ay ka socotay iska-caabbintu, waxay bilaabeen qorshe cusub oo lagu xoojinayay joogitaankooda gumaysi, isla markaana lagu beddelayo qaab-dhismeedkii bulshada iyo aqoonsigii dalka. Talyaanigu wuxuu la wareegay in ka badan 500,000 hektar oo ka mid ahaa dhulkii ugu barwaaqada badnaa ee beeraha, gaar ahaan gobolka Jabal Al-Akhdar iyo bannaannada xeebaha. Dhulkaas waxaa laga qaaday milkiilayaashii Muslimiinta ahaa, waxaana loo qaybiyay tobannaan kun oo Qaxooti Talyaani ah oo si gaar ah looga soo dejiyay Liibiya si ay u degaan.
Maamulka Talyaanigu wuxuu meesha ka saaray maxkamadihii shareecada iyo nidaamyadii garsoorka ee ku dhisnaa shareecada Islaamka. Wuxuu dhaqan geliyay xeerar iyo nidaamyo laga soo min-guuriyay dalalka Reer Galbeedka, isaga oo si weyn u koobay doorkii shareecada, kuna soo aruuriyay arrimo gaar ah oo la xiriira xaaladaha qoyska iyo arrimaha shakhsiga.
Gumaystayaashu waxay xireen dugsiyaashii Qur’aanka lagu baran jiray, waxay mamnuuceen waxbarashadii afka Carabiga, waxayna ku beddeleen luqadda Talyaaniga iyo nidaamyo waxbarasho oo Reer Galbeed ah. Sida ay taariikhyahanadu sheegaan gumaystuhu wuxuu soo rogay dhaqammo iyo caadooyin ay u arkayeen kuwo bulshada ka mashquulinaya fahamka diintooda iyo halganka ay ugu jireen xorriyaddooda.
Marxada Lixaad: Qorshayaashii Caalamiga ahaa ee Quwadaha Gumaysiga intii u dhaxaysay sanadadii 1346–1371 Hijri oo ku beegnayd 1928–1951 Miilaadi:
Iska-caabbintii shacabka Liibiya kuma koobnayn oo keliya furimaha dagaalka, balse waxay gaartay fagaarayaasha siyaasadda iyo diblomaasiyadda caalamiga ah, halkaas oo la isku dayay in dunida lagu baraarujiyo xaaladda ka taagan Liibiya. Arrinta Liibiya waxaa lagu soo bandhigay Shirkii Islaamka ee Qudus sannadkii 1931-dii, halkaas oo laga soo saaray go’aanno ay dalalkii ka qaybgalay ku cambaareeyeen duullaankii Talyaaniga, isla markaana ay ku muujinayeen diidmadooda falalkii gumaysiga iyo dhibaatooyinkii ka dhacay Liibiya.
Intii u dhexeysay 1939 ilaa 1945, Liibiya waxay isu beddeshay goob ay ku dagaallamaan quwadihii ku lugta lahaa waxa ay ugu yeeraan Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Dagaalladaas waxay sababeen burbur ballaaran oo soo gaaray magaalooyinka, kaabeyaashii dhaqaalaha iyo noloshii shacabka. Kadib guuldarradii Talyaaniga iyo ka bixitaankiisii Liibiya ee sannadkii 1943-dii, dalka wuxuu galay gacanta maamullo millatari oo ay maamulayeen soona tarbiyaysteen dowladdo shisheeye. Waxaa jiray qorshayaal lagu kala qaybinayay gobollada Fezzan, Barqah iyo Tripoli, iyada oo sidoo kale la hirgeliyay nidaamyo dhaqaale oo ku tiirsanaa lacag shisheeye iyo saldhigyo millatari.
Sannadkii 1945-tii, waxaa la aas-aasay goleyaal iyo ururro siyaasadeed oo ka hor yimid qorshayaashii lagu doonayay in Liibiya muddo dheer lagu sii hayo gacanta quwadaha shisheeye. Dadaalladaas ayaa ugu dambayn horseeday in Liibiya ay hesho wax lagu sheegay madax-bannaaninada dalkaas oo ku beegnayd sannadkii 1951-dii.
Taariikhda gumaysigii Liibiya waxay muujinaysaa in dalku uu soo maray marxalado adag oo ay ka mid ahaayeen duullaan ciidan, barakicin, xasuuq, burbur dhaqaale iyo isku dayo lagu beddelayo aqoonsiga bulshada. Sidoo kale, waxay iftiiminaysaa sida shacabka Liibiya ay sannado badan wadeen iska-caabbintan, illaa ay ugu dambayn ku guulaysteen inay dib u hantaan waxa lagu sheegay madax-bannaanidooda. Wuxuuna Jihaadkii Islaamiga ahaa ee reer Liibiya qayb muhiim ah ka qaatay taariikhda casriga ah ee dunida Islaamka, si la mid ah jihaadkii ka socday Soomaaliya ee Sayidka iyo jihaadkii Suudaan ee Mahdiga.