Muxuu Yahay Muuqaalka Lagu Weerarayo Muslimiinta ee ay Faafinayaan Dadka Neceb Islaamka?
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha Maraykanka ka socday hadal haynta weerar ay Ciidamada dalkaas iyo shacabkiisuba ku beegsadaan dadka muslimiinta ah, iyaga oo ugu marmarsiyoonaya sheegashooyin been abuur ah iyo iskudayo la doonayo in muslimiinta kusoo badanaya Maraykanka looga hortago.
Muuqaal si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ayaa dhaliyay dood iyo muran ballaaran, kadib markii akoonno ay leeyihiin dad garabka midig u janjeera iyo kuwo caan ku ah naceybka dadka soo galootiga ah ay baahiyeen in muuqaal muujinaya dad Muslimiin ah oo ka degaya baabuurtooda si ay u xiraan waddo ku taalla xaafadda Barooklayn ee magaalada New York, iyaga oo ku dhawaaqaya halku-dhegyo lagu taageerayo faafintan kacdoon ballaaran.
Akoonnadan ayaa muuqaalka ku lifaaqay halku dhigyo sheegaya in Maraykanku wajahayo duullaan ay soo qaadeen Muslimiinta iyo dadka soo galootiga ah, isla markaana dadka muuqaalka ka muuqda ay doonayaan inay la wareegaan dalka. Waxay sidoo kale ka digeen in magaalooyinka Maraykanku isu beddelayaan goob ay ka dhacaan dibadbaxyo diimeed iyo kuwo siyaasadeed.
Hase yeeshee, baaritaan ay samaysay Waaxda baarista ee Shabakadda Al Jazeera ayaa muujiyay in sheegashooyinkaas aysan sax ahayn, isla markaana muuqaalka laga saaray macnihiisii dhabta ahaa si loogu adeegsado olole lagu weerarayo Muslimiinta. Warkan ayaa si weyn u faafay 20-kii Luulyo 2026, markii akoonno badan ay bilaabeen inay daabacaan qoraallo isku mid ah oo ku billowday weedha ah:
“Halkani ma aha Soomaaliya mana aha Iiraan, waa Borooklayn oo ku taalla New York.”
Qoraalladan ayaa loo adeegsaday in lagu abuuro sawir muujinaya in Maraykanku wajahayo khatar gudaha ah oo ka imanaysa Muslimiinta. Muddo kooban gudaheed ayay boqolaal kun oo qof daawadeen muuqaalka, iyada oo akoonno badan ay isla warkan sii faafiyeen.
Mid ka mid ah akoonnada ugu waaweyn ee faafiyay sheegashadan ayaa ahaa ciwaan uu ku qornaa magaca Anmask, kaas oo ku dooday in Muslimiintu ay si ula kac ah u xireen wado halbowle ah, isla markaana ku dhawaaqayeen erayo Islaamiya oo ka turjumaya kacdoon balaaran. Akoonku wuxuu sheegay in Maraykanku wajahayo duullaan, isla markaana dadka muuqaalka ku jira ay doonayaan inay dalka qabsadaan. Akoon kale ayaa isna sii faafiyay muuqaalka, iyada oo ay u daawadeen ku dhowaad Nus Milyan qof.
Dhanka kale, akoon kale oo ay leeyihiin kooxaha midigta fog ayaa isna daabacay muuqaalkan isaga oo uga digaya dadka New York inay la kulmi karaan waxa uu ku tilmaamay masiirka magaalada London, isaga oo ula jeeda in Niyuu-yook ay muslimiintu ku badan doonaan si lamid ah Londhon oo hada kamida caasimahada reer Galbeedka ee ugu Islaamka badan.
Hadaba muxuu yahay xaqiiqada muuqaalkan, madibad-baxbaa mise waa kulan kale oo diineed oo ay iskugu yimaadeen dad muslimiin ah?
Kadib baaritaan lagu sameeyay muuqaalka iyada oo la adeegsanayo aaladaha raadinta sawirrada iyo muuqaallada, Waaxda baarista ee shabakada Al Jazeera waxay ogaatay in muuqaalku uusan ahayn mid cusub, balse la baahiyay bishii Luulyo sanadkii 2025-ka, ku dhowaad hal sano ka hor inta aan mar kale la faafin.
Baaritaanku wuxuu muujiyay in muuqaalku uusan muujinayn dibadbax siyaasadeed ama isu soo bax lagu taageerayo qadiyad Islaamiya, balse uu ahaa muuqaal laga qaaday aroos ay sameeysteen muwaadiniin Yemeniyaan ah oo ku nool magaalada New York, kuwaas oo baabuurtooda ugu dabaaldegayay munaasabadda arooskooda, taas oo ah dhaqan ay caan ku yihiin bulshooyin badan oo Carbeed iyo kuwa Yemeniyaanka ah.
Si kastaba ha ahaatee, muuqaalka ayaa mar labaad loo adeegsaday olole lagu marin habaabinayo dadka, iyada oo loo beddelay sheegashooyin gebi ahaanba ka duwan xaqiiqadii uu xanbaarsanaa, taas oo lagu doonayo in lagu kiciyo dadka Ameerikaanka ah, isla markaana ay dowladoodu weerar ku qaado jaaliyadaha kala duwan ee muslimiinta ah.
Muslimiinta ku nool dalalka Reer Galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, ayaa sannadihii u dambeeyay wajahayeen koror ku yimid hadallada naceybka, takoorka iyo weerarada kaga imaanaya Ciidamada dalalkaas. Jawigan ayaa sii xoogaysta xilliyada siyaasadeed ee ay dalalkaas doorashooyinku ka socdaan, kuwaas oo lagu beegsanayo dadka muslimiinta ah iyo dadka kale ee soo galootiga ah.
Saameynta hadaladan nacaybka ah ayaa durba muuqata, waxaa kordhay weerarro afka ah iyo kuwo toos ah oo lagu qaaday xarumo iyo masaajid ay ku cibaadaystaan dadka muslimiinta ah, waxaa sidoo kale si khasaba loola wareegay hantidooda. Weerarkii lagu qaaday masaajid ku yaalla magaalada San Diego 18-kii May ayaa mar kale iftiimiyay halista sii kordheysa ee Islaam-nacaybka ama Islaam-foobiya, cunsuriyadda iyo rabshadaha lagu beegsado Muslimiinta ku nool Maraykanka.
Dhacdadan ma ahayn arin kadis ah, balse waxay qayb ka ahayd dhacdooyin isdaba joog ah oo muujinaya in naceybka ka dhanka ah Muslimiintu uu weli ka jiro meelo badan oo dalka ka mid ah. Sida ay warbixintu tilmaamayso, hadallada iyo siyaasadaha qaar ee siyaasiyiinta, xubnaha Kongareeska, kooxaha midigta fog iyo warbaahinta bulshada ayaa gacan ka geysta faafinta fikirrada naceybka ku saleysan.
Sida ay muujisay daraasad ay baahisay xarun cilmi baaris oo ku taalla Maraykanka, waxay shegtay in sanadkii 2015-kii Maraykanka ay ku noolaayeen ku dhowaad 3.3 milyan oo Muslimiin ah. Tirakoobkaas oo laga joogo 11 sano ayay cilmi baarayaashu sheegayaan in maanya ay aad uga bateen muslimiintu tiradaas, isla markaana ay si firfircon uga dhex muuqdaan dhaqdhaqaaqa bulshooyinka ku nool dalka Maraykanka.
Taariikh ahaan, joogitaanka Muslimiintu kuma koobna soo galootiga casriga ah. Qaar ka mid ah taariikhyahannadu waxay tilmaamaan in boqolkiiba 25 ilaa 33 dadkii Afrikaanka ahaa ee loo qaaday Maraykanka qarniyo ka hor ay ahaayeen Muslimiin.
Qoraayada Ameerikaanka ah ee Sofiya, oo maqaal ay qortay ku daabacday warbaahinta Salon, ayaa sheegtay in kadib weerarradii 11-kii Sebtembar 2001-dii la filayay in waqti kadib ay yaraadaan fikradaha qaldan ee laga aaminsan yahay Muslimiinta, balse taa beddelkeeda Islaam-nacaybku uu sii xoogeystay isla markaana uu si ballaaran ugu faafay bulshada Maraykanka.
Waxay sidoo kale xustay in ay khalad tahay in la rumaysto in nacaybka Muslimiinta uu bilowday 2001 kadib, iyadoo tixraacaysa buugga “American Islamfoobiya” oo uu qoray bare wax ka dhiga Jaamacad ku taalla Maraykanka, kaas oo sheegay in Islaam-nacaybka Maraykanku uu soo jiray tan iyo qarnigii 18-aad.
Warbixin ay soo saareen waxa loogu yeero golaha Xiriirka Islaamka iyo Maraykanka ayaa muujisay in tirada cabashooyinka la xiriira ku xadgudubka xuquuqda madaniga ah ee Muslimiinta ay kordheen boqolkiiba 9% tan iyo sanadkii 2020-kii, taas oo muujinaysa koror xooggan oo ku yimi nacaybka loo qabo dadka Islaamka sheegta.
Warbixin kale oo uu isla ururkaasi soo saaray ayaa Sheegtay, in muddadii u dhexeysay 2017-kii illaa 2019-kii, ku dhowaad 105.9 milyan oo doolar lagu maalgeliyay 26 urur oo lagu eedeeyay inay faafiyeen warar marin-habaabin ah iyo aragtiyo shirqool oo ka dhan ah Islaamka iyo Muslimiinta.
Dhanka kale, cilmi-baaris cusub oo ay sameeyeen khubaro ka tirsan Jaamacadda Rays ayaa muujisay in Muslimiinta Maraykanka ay shan jeer uga nugul yihiin inay la kulmaan faragelin booliis oo ku saleysan diintooda marka loo eego dadka haysta diimaha kale. Muslimiin badan ayaa sidoo kale sheegay inay ka baqaan dabagalka dowladda, kormeerka internet-ka, baaritaannada garoomada diyaaradaha iyo la socodka goobaha cibaadada.
Warbixin uu soo saaray Machadka Siyaasadda Bulshada iyo Isfahamka ayaa muujisay arin walaac weyn leh, taas oo halis ku ah jiritaanka muslimiinta ee Maraykanka, waxayna dadka u dhuundaloola arrintan sheegeen, in qaar ka mid ah dhalinyarada Muslimiinta laftoodu ay saameyn ku yeesheen jawiga Islaam-nacaybka, maadaama ay ku koreen bulsho si joogto ah sawir khaldan uga bixisa huwiyadooda, waxayna caruurtaasi cuqdad xad-dhaafa u qaadeen diinka Islaamka, iyaga oo necbaysanaya diinta ay haystaan ee lagu colaadinayo, maadaama aysan aqoon fiican u lahayn shareecada Islaamka.