Ganacsada Wax Kala Soo Dega Dkadda Boosaaso oo Wali ka Cabanaya Dhibaatada ay ku Hayso canshuurta .
Ganacsatada wax kala soo dega dekadda magaalada Boosaaso ee xarunta goblka Bari ayaa saacadihii la soo dhaafay yeeshay shir ay ka soo saareen war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan xaaladda haysata iyo dhibaatada y ku hayso canshuurta uu kusoo rogay maamulka la baxay Puntland.
Sidoo kale waxay si toos ah ula hadleen warbaahinta iyagoo soo gudbiyay cabashada ay ka qabaan maamulka la baxay Puntland iyo dhibaatada ay ku hayso shirkadda DP World ee dekadda loo gacangeliyay oo si toos ah ganacsatada ugu amreysa lacagaha la dul saaray.
Mid kamid ah ganacsatada ka qeybgalay shirkan oo warbaahinta la hadlay ayaa kawarbixiyay dhibaatooyinkala duwan ee ay ku hayaan shirkadda DP World iyo maamulka la baxay Puntland.
Ugu horreyn wuxuu ka warbixiyay canshuurta lagu soo rogay iyo dhibaata ay ku hayso.
Sidoo kale dekadda Boosaaso ee ay wax kala soo degaan ayuu sheegay in muddo maalmo ah ay badeecadoodu halkaasi ku xayiran tahay sababo la xiriirta canshuurta, isagoo sheegay in cid wax ka qabaneysa jirin cabashadooda.
In kastoo magaalada Boosaaso ee gobolka Bar ay dib u furmeen dekaddeeda iyo gooheeda ganacsiga, hadane taasi kama dhigna in dhibaatadii ay ka cabanayeen dadkeeda ay meesha ka baxday, waxaana magaalada kusii kordhaya sicir barar, maadaama ganacsatadu ay lacagihii la dulsaaray billaabeen iney kordhiyaan bulshada, sidaba aan horay ubaahinnay.