Ku Dhawaad 10 Askari oo Kenyaan ah oo Dhimasho Iyo Dhawac Ku Noqday Dagaal Ka Dhacay Dhulka NFD.

0

Waxaa xog dheeraad ah laga helayaa dagaal Shalay subax Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada askarta Kenya ee deegaanka Sheekh Barow ee hoostaga degmada Lafeey ee gobalka Mandheera oo ku hoos jirta gumeysiga Kenya.

Dagaalkan oo xooganaa ayaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare lixaad leh oo gaaray ciidamada Kenya.

Dagaalka kadib askarta Kenyaatiga ayaa isku dayay iney banaanka uga soo baxaan xerada oo roonda sameeyaan balse waxey Miino la kacday gaari Taw ah oo goobta ku gubtay waxuuna qaraxaasi haleelay gaari Taw ah oo ay la socdeen askar Kenyaan ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas ku dhintay illaa 5 askari oo Kenyaan ah, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, kuwaas qaar kooda ahaayeen dhaawac garaab ah.

Sidoo kale waxaa isla hawgalkan ku gubtay gaarigii Tawga ahaa ee qaraxa lala beegsaday, kaas oo ay goobta uga tageen ciidamadii Roodada ahaa.

Leave A Reply

Your email address will not be published.