Saldhig ay Yahuudda, Mareykanka iyo Imaaraatka ka Dhisanayaan Berbera oo La Sheegay in uu Gabgabo ah Marayo

0

Warbixin uu daabacay wargeyska Clash Report ee fadhigiisu yahay dalka Turkiga ayaa daaha looga feyday, xogo ku saabsan halka uu marayo dhismaha saldhig ciidan oo ay Yahuudda, Mareykanka iyo Imaaraatka Carabta ka dhisanayaan magaalada xeebeedka Berbera ee woqooyiga Soomaaliya.

Imaaraatka Carabta oo ah cidda sida rasmiga ah howshaan u fulineysa ayuu wargeysku sheegay in hadda ay ku dhowdahay iney soo gabagabeyso dhismaha saldhig millarari oo qarsoodi ah oo laga hirgalinayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, kadib muddo 10 bilood ah oo uu socday dhismaha saldhiggaas.

Tani ayaa waxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera ubadaleysa saldhig istaraatiiji ah oo ay si wadajir ah uadeegsadaan Abuu Dhabi, Washington iyo Tel-Aviv sida ku xusan warbixinta, waxaana ay intaas ku dartay in si dhameystiran loo joojiyay tagitaanka garoonka diyaaradaha ee Berbera, xilli la jaray wadada muhiimka ah ee gasha garoonkaas.

Sida lagu xusay warbixinta wargeyska Clash Report, saldhiggaan istaraatiijiga ah ee dhaca Gacanka-cadmeed una dhow marin-biyoodka Baabul-Mandab ayaa noqon doona xarun muraaqabo oo ahmiyad gaar ah leh islamarkaana ku teedsan Badda-cas, Yahuudda iyo Mareykankana ay u adeegsan doonaan dagaalka ay kula jiraan Iiraan iyo Xuuthiyiinta.

Saldhiggaan la dhisayo ee uu Imaaraaatku hormuud ka yahay ayaa waxa uu qeyb ka yahay sida ku cad taqriirka hishiis lala galay maamulka la baxay Soomaaliland sannadkii 2017, kaas oo aan la shaacin xog ku aaddan hishiiskaas.

Yahuudda iyo Mareykanka ayaa magaalada Berbera u arka goob istaraatiiji ah oo ay ka hagi karaan dagaalka ay kaga jiraan mandiqadda loogu yeero Bariga-dhexe, waxaana tallaabadaan ay kusoo aadeysaa iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda ka taagan mandiqadda.

Xuuthiyiinta ayaa horay ugu goodiyay beegsiga wujuud kasta oo ay Yahuudda iyo xulafadeedu ku yeeshaan woqooyiga Soomaaliya, kadib wixii ka dambeeyay is aqoonsigii dhex-maray Yahuudda iyo maamulka la baxay Soomaaliland, tan iyo aqoonsigaasna waxaa isa soo tarayay hadal-heynta saldhigga laga dhisayo garoonka diyaaradaha Berbera ee hadda la sheegay inuu marayo heer gagabo ah.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.