Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeesay Inuu Waddo Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo uu ku Burburinayo Maamulkaas.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa xafiiska warfaafinta ee maamulka la baxay Puntland ka soo baxay war-saxaafadeed looga hadlayo khilaaf sii xumaanaya ka dhaxeeya maamulka ka fadhigiisu yahay magaalada Garoowe iyo Dowladda Fedaraalka.
War-saxaafadeedkan ayaa eedeymo dhowr ah loogu jeediyay Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa, wuxuuna maamulka uu hogaamiyo Siciid Cabdullaahi Deni sheegay in Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka uu deegaannada uu ka taliyo maamulka la baxay Galmudug ka wado dhaqdhaqaaqyo ciidan oo lagu burburinayo maamulkooda.
Dhanka kale wuxuu maamulka la baxay Puntlanad dafiray in ciidamo ka tirsan Dowladda Fedaraalka aysan ku sugneyn deegaannada uu ka arrimiyo maamulkooda.
War-saxaafadeed waxaa sidoo kale lagu xusay hadal umuuqday digniin loogu dirayo maamulka baxay Galmudug waxaana looga digay in la adeegsado deegaaannada uu ka arrimiyo maamulkaas oo ah halka uu maamulka la baxay Puntland sheegay iney ka sacdaan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee isaga ka dhanka ah.
Khilaafka siyaasadeed ee udhaxeeya maamulka la baxay Puntland iyo Dowladda Fedaraalka, ayaa marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareeraya, wuxuuna haatan marayaa heer gacanka hadal ah.