Jabhadda Amxaarada ee FANO oo Markale Kasoo Horjeesatay Wadahadal ay La Gasho Dowladda Itoobiya.

0

Kooxda FANO ayaa war ay soo saartay waxay gabi ahaanba kaga soo horjeesatay wadahadallo ka socda dalka Itoobiya, kuwaas oo la sheegay in xal loogu raadinayo colaadaha ka taagan gudaha dalkaas ee u dhexeeya xukuumadda Adis Ababa iyo jabhadaha hubeysan ee ka dagaallma gudaha dalkaas.

Wadahadalladaan ayay FANO ku tilmaamtay dhoolatus siyaasadeed oo diiradda saaraya sidii sidii sharciyadda loogu cusbooneysiin lahaa xisbiga haya talada Itoobiya, balse aan aheyn kuwa lagu soo afjarayo colaadaha sii koo kordhaya ee ka taagan dalka.

Iney ka qeyb gasho iska dhaafe, waxay kooxdaan bulshada ku nool gobolka Amxaarada ugu baaqday iney sii huriyaan colaada ay kala soo horjeedaan Dowladda Itoobiya.

Waxay intaas ku dartay, in wadahdadalladaan aysan aheyn kuwa ballaaran oo dhex-dhexaad ah, balse ay yihiin kuwa gacanta ugu jira awoodda xukuumad ay ku sifeeyeen mid xasuuq geysaneysa, masuulna ka ah sanado badan oo colaado ah, barakicin iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Fano ayaa waxa loogu yeero Beesha Caalamka uga digtay iney taageeraan wadahadallada ka socda Itoobiya, iyadoo sidoo kale xubnaha Amxaarada ku matalaya wadaxaajoodyadaas ugu goodisay iney tallaabo adag ka qaado doonto, kuwaas oo ay ku eedeysay iney taageerayaan anjdayaasha siyaasadeed ee xukuumadda Adis Ababa.

Dalka Itoobiya ayaa umuuqda mid ay kusii kordhayaan dagaallada xukuumadda dalkaas kala dhaxeeya jabhadaha hubeysan, FANO ayaana kamid ah kooxaha taxaddiga ugu weyn ku haya maamulka Abiy Axmed, waxayna fulisaa weeraro ay dhiig badan ku daataan laguna dilo masuuliyiin katirsan Itoobiya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.