Midowga Yurub oo Joojinaya Duullimaadyadii Tooska ahaa ee Nairobi iyo Muqdisho.

0

Midowga Yurub ayaa xqiijiyay inuu joojinayo duullimaadyadii tooska ahaa ee u kala gooshi jiray Nairobi iyo Muqdisho, kuwaas oo muddo dheer ay adeegsanayeen hey’adaha reergalbeedka, diblomaasiyiinta, iyo shaqaalaha safaaradaha.
Wararka laga helayo safaaradda Midowga Yurub ee Xalane ayaa sheegaya in safaaradaha lagu wargeliyay in 13-ka Agoosto ay ku astaysan tahay maalinta ugu dambeysa ee duullimaadyadan la qabanayo iyadoo xilligaa wixii ka dambeeya aaney jiri doonin wax duulimaadyo ah.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in sababaha go’aankan ay ka mid yihiin hoos u dhac ku yimid dadka adeegsan jiray duullimaadyadaas, taasoo keentay in dhaqaalihii ay ku shaqeynayeen uu yaraado, walow ay jiraan baqdino dhanka ammaanka la xariira sida dadka qaar ay aaminsan yihiin.

Go’aankan wuxuu daba socdaa joojintii hore ee duullimaadyadii UNHAS, taasoo ka dhigtay diyaaradaha Midowga Yurub iney noqonayaan kuwii ugu dambeeyay ee si joogto ah isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Nairobi oo shaqada meesha laga saarayo.

Duullimaadyadan waxaa si weyn u adeegsan jiray hey’adaha shisheeye, safaaradaha, diblomaasiyiinta, suxufiyiinta iyo shaqsiyaadka kale ee muhimka loo arko. Mararka qaarkoodna waxaa lagu qaadi jiray madax ka tirsan dowladda Federaalka, iyadoo loo arkayay inay ka ammaan badan yihiin duullimaadyada ganacsiga.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli Midowga Yurub uu hoos u dhigay joogitaankiisa diblomaasiyadeed ee Soomaaliya. Waqtigan xaadirka ah ma jiro safiir buuxa oo Midowga Yurub u fadhiya Muqdisho, waxaana howlaha safaaradda inta badan laga maamulaa Nairobi, halkaas oo uu ku sugan yahay sii hayaha xilka safiirka. Sidoo kale, shaqaale badan oo Midowga Yurub ka tirsanaa ayaa maalmihii la soo dhaafay u guuray Nairobi.

Dhanka kale, tallaabadan waxay kusoo aadaysaa iyadoo Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed iyo mid amni oo xasaasi ah, isla markaana ay jiraan doodo la xiriira mustaqbalka howlgalka ciidamada shisheeye, kaddib markii Mareykanku uu hakiyay qeyb ka mid ah dhaqaalihii uu ku taageeri jiray howlgalkaas.

Leave A Reply

Your email address will not be published.