Kenya oo Sheegtay Iney Baareyso Dilka Duuliye uu Dhalay Masuul Katirsan Dowladdaas.

0

Dalka Kenya waxaa laga too tabinayaa fal dil ah oo loo geystay nin duuliye ah oo uu dhalay masuul katirsan xukuumadda Nairobi, waxaana dilka loo geystay duuliyahaan kasoo baxaya tafaasiil dheeraad ah.

Waaxda dambi-baarista ee dowladda Kenya ayaa sheegtay iney wado baaritaan la xiriira dilka duuliyaan, kaas oo la helay meydkiisa isagoo dhaawacyo xooggan ay kaga yaallaan madaxa.

Isagoo miyir beelay ayaa laga soo qaaday afaafka hore ee xabsi ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, waxaana la geeyay isbitaalka Mbagathi ee ku yaalla magaaladaas.

Maalin kadib markii la dhigay isbitaalka ayaa la xaqiijiyay inuu u ugeeriyooday dhaawacii soo geystay, waxaana ay saraakiisha amniga ee Kenya sheegeen iney socdaan baaritaanno ku aaddan kiiskaan.

Xogaha horudhaca ah ee laga helayo baaritaanka ayaa muujinaya, in duuliyahaan uu booqday xarun ay saraakiil xabsi ku sugnaayeen oo ku taalla magaalada Nairobi, si uu halkaas khamri ugula soo cabo asxaabtiisa, waxaana intaas kadib uu dagaal gacan ka hadal ah dhexmaray duuliyaha iyo xubno kale oo goobta ku sugnaa, taas oo keentay in la gaarsiiyo dhaawacyo halis ah oo ugu dambeyn sababay geeridiisa.

Duuliyahaan ayaa waxaa dhalay masuul katirsan wasaaradda gaadiidka iyo wadooyinka ee dowladda Kenya, illaa iyo haddana majirto cid loo soo qabtay dilkiisa.

Dalka Kenya waxaa ku badan dilalka nuucaan ah ee ay geysanayaan saraakiisha iyo ciidamada xukuumadda Nairobi, waxaana hadda gudaha dalkaas ka socda dhageysiga dacwad la xiriirta dil askari katirsan xukuumadda dalkaas loogu geystay afaafka hore ee madaxtooyada Kenya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.