Taqriir Cusub oo Daaha ka Rogay Koror Ku Yimid Islaam Naceybka ku Sii Xoogeysanaya a Ingiriiska.
Warbixinta ayaa si gaar ah diiradda u saartay tacadiyaadka loo geysanayon masaajidda ku yaalla gudaha dalkaas, waxaana shantii maalmoodba ay warbixintu sheegtay in masjid lagu weeraro Ingiriiska.
Weeraradaan ayaa isugu jira howlgallo kharbudaad ah, farriimo cunsuriyaysan, hanjabaad iyo isku dayo lagu doonayo in lagu dhibaateeyo Muslimiinta xilliyada ay Salaadda tujanayaan, sannadkii lasoo dhaafay oo kaliya ayaana la weeraray 27 masjid.
Dalalka reer-galbeedka oo kaalinta koowaad kaga jira dagaalka ka dhan ah Muslimiinta caalamka ayaa waxaa had iyo jeer kusii xoogeysta Islaam naceybka, iyadoo ay ka dhaceen weeraro lagu dilay dad Muslimiin ah looguna xad-gudbay muqaddaaska Islaamka.