In ka Badan 400 oo Ruux oo Dhowr Sano Gudahood Lagu Dilay Gobol Katirsan Dalka Itoobiya.

0

Wali waxaa dalka Itoobiya ka socda dagaallada laayaanka ah ee ay xukuumadda Adis Ababa kula jirto jabhadaha hubeysan ee ka dagaallama gudaha dalkaas, waxaana warbixinno soo baxaya ay sheegayaan in dhowr sano gudahood la dilay boqallaal ruux.

Warbixin cusub oo uu soo saaray urur la baxay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya ayaa lagu sheegay, in weeraro ka dhacay gudaha Itoobiya intii u dhaxaysay bishii sagaalaad ee sannadkii 2021 ilaa bishii lixaad ee sannadkaan 2026 lagu dilay ugu yaraan 450 ruux oo rayid ah.

Warbixinta kasoo baxday golahaan ayaa tilmaamay, in weeraradaan oo salka ku haya isir-sifeyn iyo arrimo diimeed ay si gaar ah uga dhaceen sagaal degmo oo ka tirsan bariga mandiqadda Arsi ee dhulka Oromada.

Marka laga yimaado dilalka, waxay warbixintaan oo ka kooban 37 bog shaacisay in sidoo kale la diiwaan galiyay xadgudubyo isugu jira dhaawacyo, kufsi, afduub, xarig iyo burbur baahsan oo loo geystay hantida dadka rayidka ah ee ku dhaqan degmooyinkaas.

Boqallaal qof ayay sheegeen in laga afduubtay degmooyin kala duwan oo ku yaalla gobolka kuwaas oo qaarkood lagu sii daayay madax-furasho, halka geesta kale aan illaa iyo hadda war iyo wacaal toona loo heynin dad badan oo la qafaashay.

In ka badan 14,000 oo ruux ayaa geesta kale taqriirkaan lagu sheegay iney ku barakaceen rabshadan ka dhacay bariga mandiqadda Arsi ee gobolka Oromiya, mana jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya iyo maamulka ugu magacaaban gobolka ee ku aaddan eedeymahaan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.