In ka badan 1500 oo Askari oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Weeraro 24 Saac Gudahood ka Dhacay Dalka Ukraine.

0

Millatariga Ukraine ayaa shaaciyay tirakoob la xiriira khasaaraha nafeed ku gaaray dagaallada culus ee ay kula jiraan dhigooda Ruushka.

Tirakoobka ayaa lagu sheegay in tan iyo billowgii digaalka oo ku beegan 24-kii febraayo ee 2022 askarta Ukraine laga dilay ku dhawaad hal milyan oo askari.

Sidoo kale waxaa tirakooobka ku xusan in 24-kii saac ee lasoo dhaafay oo kaliya xukuumadda Kiev laga dilay 1560 askari, taas oo muujinaya khasaaraha culus ee ay is gaarsiinayaan labada dhinac.

Leave A Reply

Your email address will not be published.