Hawlgallo Lagu Dilay In Kabadan 10 Askari oo Ka Kala Dhacay Baay iyo Gobalada NFD.

0

Saacadihii lasoo dhaafay waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Kamiin u dhigeen askar ka tirsan dowladda Kenya oo watay mootooyin islamarkaana roonda ku jiray, hawlgalkan ayaa sidii loo qorsheeyay u dhacay, waxaana lagu dilay tiro askar ah.

Weerarkan dhaba galka ah oo dhacay maanta duhurkii ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka deegaanka Haluunqo ee hoostaga degmada Lafeey ee gobalka Mandheera oo ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya.

Khasaaraha hordhaca ah ee soo gaaray war-qabadka warbaahinta Al-Furqaan ayaa tibaaxaya, in weerarkan kamiinka ahaa lagu dilay illaa 7 askari oo Kenyaan ah, in kastoo ay suuragal tahay in ay jiraan khasaare nafeeed oo intaas kabadan, maadaama ciidamadan ay goobta isaga firxadeen qaar kamida gaadiidkoodii iyo hubkoodiina lala wareegay.

Sidoo kale, waxaa kamiinkan lagu gubay 2 mooto halka lagula wareegay 1 Mooto, 3 Qori iyo Hal Biskoolad oo kamid ahaa hubkii ay wateen ciidamada la laayay.

geesta kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qarax ka fuliyay gudaha magaalada Baydhabo, kaas oo lala eegtay fariisin ay ku sugnaayeen askar ka tirsan dowladda federaalka, waxaana ku dhintay qaraxaasi 4 askari, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 4 kale.

Leave A Reply

Your email address will not be published.