Beesha Caalamka oo DF u Qabatay Illaa Bisha Ogosto Iney Kula Heshiiso Maamul Ggoboleedyada.

0

Warar laga helayo ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in dalalka qeybta ka ah duullaanka Soomaaliya, gaar ahaan Mareykanka iyo Ingiriiska ay Dowladda Fedaraalka ku xujeynayaan iney la heshiiso maamulgoboleedyada, xilli la rumeysan yahay iney iyagu isku direen.

Dalalkan ayaa saluugsan sida aysan u suuragelin in siyaasadda Dowladda Fedaraalka aysan ka dhex muuqan dhaqamada dimuqraadiyadda, maadaama la isku haysto xilka madaxtinimada, walina ay arki la’yihiin doorasho dimuqraadi ah, taasoo lagu tilmaamo iney qeyb ka tahay waxyaabaha ay dhaqaalaha u bixiyaan.

Sida wararku tilmaamayaan, beesha caalamku waxay ka walaacsan tahay sii socoshada ismari waaga siyaasadeed, waxayna sheegeen in khalalaasuhu uu saameyn buuxda ku yeelan karo koox kasta oo kamid ah taageerayaasha Dowladda Fedaraalka, iyada oo loo qabtay illaa inta laga gaarayo bisha Agoosto.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xerada Xalane ay ka socdaan tallaabooyin diblumaasiyadeed oo la doonayo dhinacyada in lagu heshiisiiyo, walow xerada ay ka guureen xafiisyo waaweyn iyo siyaasiyiin reer Yurub ah oo ka niyad jabay halka ay xaaladu mareyso.

Dowladda Fedaraalka ayaa waxaa imika haysta culeysyo ballaaran oo dhinac walba ah iyadoo Xasan Sheekh uu baadi goobayo shisheeye hor leh oo uu wax ka siiyo kheyraadka Soomaaliya kana helo ilaalin iyo badbaado, maadaama shisheeyaha Yurub iyo Mareykan ay daqiiqad kasta qaadan karaan go’aano degdeg ah oo aan lagala tashan Dowladda Fedaraalka.

Leave A Reply

Your email address will not be published.