Faahfaahin: Israsaaseyn Ciidamada PSF iyo Kuwa Maamulka La Baxay Puntland ku Dhexmartay Boosaaso.
Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxaa saacadihii las soo dhaafay ka dhacay, israsaaseyn kooban oo dhexmartay ciidamada PSF iyo kuwa maamulka la baxay Puntland.
Israsaaseyntan ayaa si gaar ah kaga dhacday xaafadda Tuurta ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku nafwaayay hal qof oo shacab ah.
Dhan kale, waxaa deegaannada uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ka jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo uu wado maamulka la baxay Puntland islamarkaana la sheegayo inuu uga hortegayo duulaan uu sheegay iney ku soo qaadday Dowladda Fedaraalka.
Maamulka la baxay Puntland ayaa sheegay in uusan deegaannada uu ka arrimiyo ka ogoleyn ciidamo aan ahayn kuwa isaga ka amar qaata, waxaana arrinkaasi si cad ugu dhawaaqay Sarkaal ka tirsan Booliska maamulka la baxay Putnland.
Isku soo wada duuboo khilaafka udhaxeeya Dowladda Fedaraalka iyo maamulka la baxay Puntland ayaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya, waxayna dhinacyadu isdhaafsanayaan hadallo kul kulul.