Cudur Asal ahaan ka Soo Billowday Hindiya oo Lagu Arkay Dhulka uu ka Arrimiyo Maamulka Soomaaliland.

0

Cudurka Xumadda ee loo yaqaan Dengue fever oo asal ahaan ka soo billowday wadanka Hindiya sanadkii 2022-kii, ayaa haatan laga soo sheegayaa dalka Yaman.

Xanuunkan oo la sheegay iney Bani’aadamka u gudbiso Kaneecada, ayaa todobaadyadii u dambeeyay ku faafayay wadanka Yaman, waxaana kamid ah meelaha ugu daran ee lagu arkay dad la il daran magaalo xeebeedka Mukalla.

Wararka ka imaanaya Yaman waxay sheegayaan in xanuunkan ay wadankaasi ugu dhinteen 33 qof, halka kumanaan kalena la sheegay iney la xanuunsanayaan cudurkan, sidoo kale wuxuu gaaray magaalooyin kale oo ka tirsan dalkaas sida: Cadan, Abyan, Shabwa iyo Taciz.

Cudurkan Xumadda ee faraha ba’an ku haya dalka Yaman ayaa la sheegay in afartii sano ee la soo dhaafay uu dad badan ku dilay Waqooyiga Soomaaliya gaar ahaan dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland.

Leave A Reply

Your email address will not be published.