Kooxda Faano oo Guulo ka Sheegtay Dagaallo Iyaga iyo Ciidamada Itoobiya ku Dhexmaray Gobolka Amxaarada.

0

Deegaanka Amxaarada ee dalka Itoobiya waxaa wali ka socda dagaallada udhaxeeya Jabhadda Faano iyo dowladda Itoobiya, waxaana marba marka ka dameysa isa soo taraya wararka la xiriirta colaadda ka taagan halkaasi ee ka dhaxeysa labada dhinac.

Jabhadda Faano ayaa ka hadashay dagaallo saacadihii la soo dhaafay iyaga iyo ciidanka Itoobiya ku dhexmaray gobolkaas, waxayna ka sheegteen guulo iyadoo xubno ka tirsan lagu dhex arkay magaalo dhacda gobolkaas.

Saacadihii u dambeeyay dagaallo ka dhacay gobolka Wallo oo dhexmaray iyaga iyo ciidanka Itoobiya, ayey Faano guulo ka sheegatay, waxayna war ka soo baxay ku sheegeen iney la wareegeen magaalada Danwayt ee goblkaaas, iyadoo la arkayay sawirro iyo muuqaallo ka imaanaya magaaladaas oo ay ka dhex muuqdaan.

Sidoo kale Faano ayaa xustay in weerar ay ku qaadeen Kolonyo ka tirsan ciidanka Millatariga Itoobiya islamarkaana burburiyeen kolonyada hub iyo rasaas badanna ka furteen, sida lagu sheegay war ka soo baxay.

Dhinaca kale dagaallada ayaa ah kuwa wali ka sii holkacaya halkaasi, iyadoo Jabhaddan ay kulaalayaan magaalooyin ay kamid tahay Lalibeella.

Dagaalladan dhexmaraya jabhadda Faano iyo Xukuumadda Adis Aababa ayaa ku soo aadaya, xilli warar soo baxay aya sheegayaan in kooxda TPLF lafteeda ay u diyaargaroobeyso dagaal ka dhan ah dowladda Itoobiya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.