Ciidamada Shisheeye oo Lagu EedeynayaY in ay Fadhiid Noqdeen Sannadihii u Dambeeyay.

0

Ciidamada shisheeye ee kusoo duulay wadanka Soomaaliya, oo markii hore loo yaqaanay AMISOM, haddana loo beddelay AUSSOM (ka dib markii ay soo mareen marxaladdii ATMIS), waxay muddo ka badan 18 sano dalka ka wadeen colaado iyo dhibaatooyin ka dhan ah dadka Soomaaliyeed sida ay marar badan sheegeen aqoonyahanada iyo waxgaradka.

Intii u dhexeysay 2007 ilaa xilligan, ciidamadaasi waxay dad shacab ah ku xasuuqeen qaar kamid ah gobollada dalka oo ay Muqdisho kamid tahay iyadoo warbixinno badan oo ay soo saartay hey’adda HRW ku eedeeysan xadgudub bani’aadannimo.

Dhankoodana waxay marti geliyeen weerarro waaweyn  oo ku qabsaday goob walba, dhabbe iyo xero intaba, kuwaasoo uga imaanaya xilligaas illaa maanta milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo diidan in dalka uu ka taliyo askari heysta diin kale.

Inkastoo ay kumannaan askari ku waayeen duullaankooda Soomaaliya, waxaa u wehliya in sanadihii u dambeeyay ay isa soo tarayeen dhaliilo sheegaya in ciidamadaasi ay noqdeen kuwo inta badan ku kooban xeryahooda, halka Mujaahidiinta Al-Shabaab ay u hawlgalayaan si qorsheysan oo hadaf iyo istaraatiijiyad ku dhisan.

Khubarrada hey’adaha shisheeye sida ay sheegayaan, mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ayaa ah in howlgalka shisheeyaha  uusan hadda ahayn sidii hore, balse uu yahay waraabe duqoobay oo kale, maadaama uu ku daalay dagaalka Soomaaliya muddo afka u saaran 20 sano, wax hadaf ah oo weyn oo la xaqiijin karana aaney hirgelinin.

Idiris Xasan Faarax oo ah falanqeeye ayaa isna qaba aragti tan ka ag dhow oo sheegeysa in askarta shisheeye xataa haddii ay niyad lahaan lahaayeen aysan awood u heleen iney dagaalamaan waayo wuxuu sheegayaa in kuwii dhaqaalaha ku taageeri jiray aysan awoodin shidaalka iyo qarashka ku baxaya

Maalgelinta duullaanka askarta Afrikaanka ayaa noqotay caqabadda ugu weyn.

Midowga Yurub, oo muddo dheer bixinayay mushaharka ciidamada, wuxuu hoos u dhigay taageeradiisii sannado ka hor. Qaramada Midoobayna waxay muddo dheer ka doodaysay cidda qaadaysa masuuliyadda qarashaadka.

Intaas waxaa dheer sida ay marar badan macaahidda diraasaadku sheegeen, cabsi laga qabo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ay ku tilmaamayaan iney aad u kordhisay awooda ay u leedahay beegsashada shisheeyaha.

Saldhigyo badan oo ciidamada shisheeye ay lahaayeen ayaa lagu qaaday weerarro khasaaro badan dhaliyay, taas oo keentay in taliyayaashu mudnaanta siiyaan difaaca saldhigyada si ugu yaraan ay mushaaraadka usii qaataan, tiina waa ay u suurageliweysay oo waxaa lasoo afjaray xero iyo saldhigyo badan.

Idiris Xasan Faarax ayaa sheegaya in ciidamada shisheeye iyo kuwa maalgeliya ay maanta u qoomameynayaan si lamid ah 1960 markii ay dalka ka baxeen, goortaasoo saraakiishii ku laabtay Yurub markii la weydiiyay maxaad soo xaqiijiseen ay natiijo la’aan ka dhawaajiyeen 

Ciidamada shisheeye masiirkooda ayaa imika laga doodayaa, kumannaan ayaa horey dalka looga saaray, haddana waxay reergalbeedku daneynayaan iney soo afjaraan dhaqaalaha faraha badan ee uga baxa maadaama aan wax natiijo ah la keenin, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaabna sii xoogeysatay.

Leave A Reply

Your email address will not be published.