Mareykanka iyo Iiraan oo Is-weydaarsanaya Hanjabaado Cusub
Donald Trump madaxweynaha Mareykanka ayaa mar kale ku hanjabay in uu duqeyn doono Iiraan haddii ay sii waddo weerarrada lagu beegsanayo ciidamada Mareykanka iyo xulafadiisa gobolka.
Dhankeeda, Iiraan ayaa cambaareysay hadallada Trump, iyadoo sheegtay inaanay aqbali doonin cadaadis militari ama hanjabaado ah, isla markaana ay difaaci doonto madaxbannaanideeda iyo danaheeda gobolka.
Saraakiisha Iiraan waxay wacad ku mareen in tallaabo kasta oo ka dhan ah dalkooda ay la kulmi doonto jawaab u dhiganta.
Xiisadda u dhexeysa labada dal ayaa sare u kacday kaddib weerarro iyo dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhacay Bariga Dhexe, kuwaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in xaaladdu isu beddesho iska horimaad ballaaran oo saameeya amniga gobolka iyo isu socodka ganacsiga caalamiga ah.
Mareykanka ayaa qaadan la’ oo liqi la’ inuu ku hor kufay Iiraan oo uu muddo tobannaan sano ah hanjabaad wax badan uga qaadanayay, wuxuuna noqday hadda mid sahansan oo ay dowlado badan ku dhiiran doonaan sida ay sheegayaan siyaasiyiinta reergalbeedka qaarkood.