Ciidamo ka Tirsanaa Dowladda Fedaraalka oo u Goostay Dhanka Maleeshiyaadka Laftagareen.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa safka maleeshiyaadka ka amar qaata Cabdicaiis Laftagareen ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo ku biiray, askar iyo saraakiil ciidan oo ka goosatay guutada 8-aad qeybta 60-aad ee ciidamada Dowladda Fedaraalka.
Sarkaakiisha goostay iyo ciidamada la socdo ayaa la sheegay iney ka baxeen magaalada Baydhabo, kuna biireen maleeshiyaadka degan duleedka magaaladaas.
Illaa iyo labo sarkaal oo ka tirsanaa guutada 8-aad ee ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa magacyadooda la soo bandhigay, waxayna ka soo muuqdeen goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Laftagareen iyagoo muuqaal iska soo duubay.
Saraakiisha magacyadooda la helay waxaa kamid ah: Isxaaq Axmed Maxamed oo ka tirsanaa saraakiisha guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad iyo Kabtan Sheegey Ali Nuur.
Marka laga soo tago saraakiishan iyo askarta la socota maalmihii la soo dhaafay waxaa si isdabajooga ah maleeshiyaadka Laftagareen ugu biiray ciidamo ka goosanayay Dowladda Fedaraalka.
Maleeshiyaadka Lafgareen ayaa wararka la helayo waxay tilmaamayaan, suurtagalnimada iney weeraraan magaalooyinka Baydhabo ama Bardaale oo dhantood ka tirsan gobolka Baay, xilli dhaqdhaqaaqyada ay sameynayaan ay isa soo tarayaan.