Maraykanka oo Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulkiisa Usoo Diray Soomaaliya

0

Dowladda Maraykanka ayaa masuuliyiin ka tirsan maamulkeeda usoo dirtay Soomaaliya, kuwaas oo socdaal ku maraya qaar kamida maamul gobaleedyada dalka, iyaga oo kulamo la yeelanaya madaxda maamulada ay dalka ka hirgaliyeen.

Sida ay sheegayaan xogaha la helayo 12 xubnood oo ka kala socda Aqalka Koongareeska Mareykanka iyo saraakiil ka socota Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa socdaal ku maraya maamullada labaxay Jubaland, Puntland iyo Somaliland.

Safarkan ayaa ka bilowday magaalada Kismaayo, iyada oo ugasii gudbi doona magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa.

Ujeedada kulamadan ayaa salka ku haysa xog-ururin ku saabsan xaaladda amni ee ay ku sugan yihiin Dowladda Federaalka iyo maamul gobaleedyada, la wadaagista siyaasadda cusub ee Washington ee ku aaddan Soomaaliya iyo sidoo kale la-tashiyo ay la yeelanayaan madaxda maamullada ka hor shirka inta aan laiskugu imaan shir looga hadli doono duulaanka AUSSOM, kaas oo ka furmaya magaalada Kampala ee caasimada Ugandha.

Shirkaas ayaa loo balansan yahay inuu socdo muddo saddex maalmood ah, waxaana si wadajir ah u guddoomin doona Mareykanka iyo waxa loogu yeero Midowga Afrika, waxaana ka qeyb geli doona madax, wasiirrada gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada dalalka ciidamadooda ay duulaanka ku joogaan Soomaaliya.

Kulankan ayaa la sheegay in diiradda lagu saari doonaa wada-hadallo heer sare ah oo lagu go’aaminayo jihada iyo mustaqbalka duulaanka AUSSOM, iyo halka uu ku dambayn doono, kadib markii ay hubanti la’aan ay soo wajahday Ciidamada shisheeye, wixii ka dambeeyay markii uu Maraykanku ku dhawaaqay in uu jaran doono dhaqaalaha uu ku bixiyo duulaankan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.