Maamulka Aala Sucuud oo Xukun Daldalaad ah Ku Fuliyay Dhawr Qof oo Itoobiyaan ah.
Hay’adda sheegata inay udoodo xuquuqda aadanaha ee human rights watch ayaa sheegtay in maamulka Aala Sacuud uu labo maalin kahor xukun daldalaad ah ku fuliyay shan qof oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo ahaa tahriibayaal qaab qaxoontinimo ah ku galay dalkaas.
Sida lagu sheegay warbixin ay diyaarisay hay’adan, tan iyo billowgii sanadkan maamulka Aala Sacuud ayaa dil ku fuliyay 17 qof oo ah muwaadin Itoobiyaan ah, halka ugu yaraan 79 kale ay weli wajahayaan khatar ah in xukunno dil ah lagu fuliyo.
Hay’ada human rights watch ayaa soo xigatay xog uu diyaariyay Ururka Yuribiyaan ah, oo sheegtay inuu ka shaqeeyo Xuquuqda Aadanaha, taas oo muujinaysa in labadii maalin ee lasoo dhaaafay uu Sacuudigu dil ku fuliyay ugu yaraan 116 qof oo kasoo kala jeeda dalal badan oo Afrikaan ah.
Cilmi-baare sare oo human rights watch u qaabilsan Sacuudiga, ayaa sheegtay in tahriibayaasha Itoobiyaanka ah lagu xukumo dil kadib dacwado mararka qaar soconaya daqiiqado kooban, iyagoo aan helin qareen ama turjubaan. Waxay intaas ku dartay in tobannaan tahriibayal ah ay weli wajahayaan halis dil.
Warbixintu waxay sheegtay in tan iyo bishii Abriil ay hay’addu wareysatay in ka badan 12 ilo xog-ogaal ah, oo ay ku jiraan laba qof oo si toos ah uga warqabay kiisaska shantii Itoobiyaan ee dhawaan la dilay.
Sida ay sheegeen ilo-wareedyadaasi, shanta nin ayaa kasoo jeeday gobolka Tigrayga ee Waqooyiga Itoobiya, halkaas oo colaado ba’an ay ka dhaceen sannadihii u dhexeeyay 2020 iyo 2022-kii, kadib markii dowladda Itoobiya ay duulaan ku qaaday gobalkaas.
Waxaa siii kordhaya xukunada dilka ah ee uu Sucuudigu fulinayo, iyada mararka qaar ay qeyb ka yihiin dhalinyaro Soomaali ah oo qaab tahriib ah dalka ku gala dalkaas.