Duqeyn ka Dhacday Dalka Itoobiya oo ay Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqdeen Dad Karistaan ah
Dhawr qof ayaa ku geeriyooday, halka tiro kale ay dhaawacmeen, kadib markii duqeyn loo adeegsaday diyaarad Daroon ah lagu beegsaday Kaniisadda ku taalla gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.
Wararka ayaa sheegaya in dadka waxyeelladu soo gaartay ay ku jireen haween ku sugnaa kaniisadda, inta la xaqiijiyay illaa 2 qof ayaa ku dhintay duqayntan, waxaana jira tiro kale oo dhaawacyo ah.
Dhacdadan ayaa kusoo beegantay iyadoo gobolka Amxaarada uu muddooyinkii u dambeeyay ka socday dagaallo iyo hawlgallo militari, kuwaas oo saameyn xooggan ku yeeshay dadka aan dagaalka qaybta ka ahayn.
Weerarka lagu qaaday kaniisadda ayaa imanaya maalmo uun kadib markii Baadariga Kaniisadda Orthodox-ka Itoobiya uu ka digay weerarro isa soo taraya oo lagu beegsanayo kaniisado gaar ah, baadariyaal iyo dadka kiritsnka ah ee gobollada Amxaarada iyo Bartamaha Itoobiya.
Sidoo kale, bishii Juun ee sanadkan waxaa weerarro hubeysan oo ka dhacay Bariga magaalada Aarsi ee gobolka Oromiya lagu dilay dad kiristan ah, waxaana la burburiyay kaniisado badan, halka boqolaal qof ay ku qasbanaadeen inay ka barakacaan deegaannadooda.