Kenya oo Qiratay in Ciidamo Katirsan Kuweeda Amniga Looga Dilay Weerar ay Fulisay Al-Shabaab.
Dowladda Kenya ayaa war kasoo saartay weerar khasaare culus lagu gaarsiiyay ciidankeeda oo 28-kii bishaan July ka dhacay, duleedka deegaanka Haluungo ee hoostaga degmada Lafeey ee gobalka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga Kenya.
War kasoo baxay Booliska xukuumadda Nairobi ayaa lagu sheegay, in ugu yaraan shan kamid ah ciidanka ammaanka ee Kenya lagu dilay, weerarka culus ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gobolka Mandheera.
Kenya waxay sheegtay in askartaas oo kolonyo ahaa ay ku dhaceen weerar dhabbo-gal ah oo ay u dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taas oo sabbatay in khasaare xooggan la gaarsiiyo ciidanka Kenya.
Waxay intaas ku dartay, in ciidan gurmad u ahaa kuwa kamiinka ku dhacay ay iyagana la kulmeen weerar qarax ah, kaas oo ay xaqiijisay inuu haleelay mid kamid ah gaadiidka gaashaaman ee ay wateen askarteeda gabi ahaanna uu burburay.
Qirashada Kenya ayaa lagu micneeyay mid isburin ah, maadaama ay sheegtay in shan askari looga dilay weerarka koowaad, halka qaraxa burburiyay gaariga gaashaamanna ay tilmaamtay in wax khasaare ah uusan geystay.
Weerarkii dhawaan ka dhacay gobolka Mandheera ayaa kamid ahaa weeraradii ugu cuslaa ee ay dhawaanahaan marti galiyaan ciidamada Kenya ee ku sugan dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga xukuumadda Nairobi.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa horay u sheegtay in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 15 akskari oo katirsan ciidamada Kenya islamarkaana lagu dhaawacay 10 kale, halka lagu gubay gaari Taw ah iyo shan Mooto oo ay wateen ciidamadii la kulmay weerarkaas.