DF oo Qayb Ka Noqotay Isbahaysiga Duulaan uu Maamulka Aala-Sucuud Ku Doonayo Inuu Ku Qaado Yaman.

0

Dowladda Federaalka ayaa lagu daray liiska maamulada la sheegay inay qayb ka yihiin isbahaysi cusub oo uu hormuud u yahay Maamulka Aala-Sucuud, kaas oo ka kooban 14 waddan, isla markaana ujeeddadiisu tahay in la qaado guluf militari oo ka dhan ah Yaman, Wararka la faafiyey ayaana tilmaamaya in isbahaysigan lagu doonayo in dib loogu furo Badda Cas.

Dalalka kale ee lagu sheegay inay xubno ka yihiin isbahaysigan waxaa ka mid ah Kuwait, Baxrayn, Qadar, Pakistan, Turkiga, Masar, Urdun, Bangladesh, Nayjeeriya, Suudaan iyo Yemen. Sida lagu sheegay wararkan, isbahaysiga ayaa la doonayaa in loo adeegsado abaabul ciidan oo lagu beegsanayo Yemen, si loo xaqiijiyo danaha amni iyo kuwa marin-biyood ee uu Sucuudigu ka leeyahay Badda Cas.

Warbixinnada soo baxaya ayaa  sheegaya in Sucuudigu haatan doonayo inuu dib u habeeyo xulufadiisa militari, kadib markii uu la kulmay caqabado waaweyn iyo iska caabin xooggan oo kaga timid Xuutiyiinta. Isbahaysiga cusub ayaa la sheegay inuu ku jiro marxalad abaabul ah, Dowladda Federaalka iyo Jabuuti ayaana la xusay inay qayb ka qaadan doonaan.

Dhanka kale, hoggaamiyaha Xuutiyiinta ayaa si adag uga hadlay qorshahan, isaga oo ku eedeeyey Sucuudiga inuu fulinayo ajandayaal ay wataan Mareykanka iyo Yahuudda.

Arrintan ayaa dhalisay dood iyo falanqeyn ku saabsan doorka ay Dowladda Federaalku ka qaadan karto duulaanka dal kale, iyada oo lagu muransan yahay masiirka amnigeeda hasii ay ka baxaan Ciidamada shisheeye.

Leave A Reply

Your email address will not be published.