Saamayn Xooggan oo Ka Dhalatay Shaqo-joojin ay Sameeyeen Shaqaalaha Caafimaadka ee Kenya.
Adeegyada caafimaadka ee isbitaallada dhowr ismaamul oo ka tirsan dalka Kenya ayaa galay xaalad hakad ah, kadib markii kalkaaliyeyaashu ay billaabeen shaqo-joojin ballaaran. Tallaabadan ayaa sababtay in bukaano badan oo u soo doontay adeeg caafimaad ay waayaan dhakhaatiir u shaqaysa.
Gobollada ay shaqo-joojintu sida weyn uga dhacday waxaa ka mid ah magaalada Kisuumu oo ah mid kamida magaalooyinka ugu dadka badan Kenya, iyada oo dad badan oo isbitaallada tegay lagu khasbay inay dib ugu noqdaan guryahooda, maadaama aysan jirin kalkaaliyeyaal bixiya adeegyada caafimaadka ee maalinlaha ah.
Mas’uuliyiinta ururka kalkaaliyeyaasha ayaa sheegay in go’aanka shaqo-joojinta uu yimid kadib markii Dowladda Kenya ay ka gaabisay fulinta heshiisyo hore oo ay u balanqaada dhakhaatiirta. Waxay ku doodeen in ballanqaadyadii la sameeyey aan waxba laga hirgelin, taas oo keentay inay dhaqaaqaan shaqo-joojin ballaaran.
Hakadka ku yimid adeegyada caafimaadka ayaa walaac hor leh ku abuuray shacabka iyo bukaannada ku tiirsan isbitaallada ay maamusho dowladda Kenya, kumanaan qof ayayna si toos ah u saamaysay shaqo-joojintan.
Shaqaalaha Caafimaadka ee Kenya ayaa horay uga biyo diiday heshiisyo ay dowladoodu la gashay Maraykanka, kaas oo salka ku hayay in xogta caafimaad ee dadka Kenyaanka ah lagu wareejiyo shirkado Ameerikaan ah.