Tirada Dadka Kuleylka Ugu Geeriyooday Dalka Jarmalka ayaa ku Dhow 10,000 oo Ruux.
Qaaradda Yurub waxaa laga soo tabinayaa koror la xiriira dadka u dhintay kuleylkii darnaa ee dhawaan ku dhuftay wadamo badan oo dhaca qaaraddaas.
Jarmalka oo kamid ah wadamada sida weyn uu u sameeyay kuleylka ayaa waxaa lasoo warinayaa in tirada dadka ugu geeriyooday ay ku dhow dahay 10,000 oo ruux, taas oo ah tirakoob aan horay loo arag oo laga soo diiwaan galiyo Jarmalka.
Tirakoobyadii ugu dambeeyay ee kasoo baxay Jarmalka ayaa sheegaya, in 9800 ay ugeeriyooday kuleylkii tan iyo horraantii sannadkaan ka jiray dalkaas.
Maalmo kahor ayay aheyd markii Faransiisku uu sheegay in tirada dadka u dhashay dalkaas ee kuleylka u geeriyooday ay kor u dhaaftay 5,000 oo ruux.