Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika oo Qiray in Al-Shabaab ay Wali tahay Awood Jirta.
Dowladda Mareykanka ayaa masuuliyiin usoo dirtay Dowladda Fedaraalka iyo madaxda wadamada duullaanka ku jooga Soomaaliya, kuwaaas oo maalmihii u dambeeyay ku wareegaya magaalooyinka waaweyn ee dalka, sida: Muqdisho iyo Kismaayo.
Masuuliyiintan oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay maamullada ay dalka ka dhisteen ayaa u jeediyeey awaamir la xiriirta masiirka uu ku dambayn doono garab istaaga ay muddada dheer siinayeen, waxayna ku wargeliyeen in ay ka daaleen dacmintooda, islamarkaana hadda la gaaray xilligii ay faarujin lahaayeen garabkooda.
Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Mareykanka ee Afrika Anderson ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta kaga dhawaajiyay danaha dhaqaale doonka ah ee ay Soomaaliya ka lahaayeen iyo heerka uu gaarsiisan yahay niyad-jabka ay ka qabaan dagaal sii socda oo ay la galaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wuxuuna masuulkan carrabka ku adkeeyay in xiligan la joogo uu Mareykanku danaynayo in uu wax ka badalo taageeradii uu siin Jiray Dowladda Fedaraalka, ayna jiraan furimo kale oo ka culus Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale Taliyaha Africom walaac ka muujiyay awooda sii kordhaysa ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kala hortagtay duullaanka ay ku Dhawaad labaatanka sano kula jirtay shisheeyaha kala duwan ee dalka ku sugan, isaga oo tusaale usoo qaatay in ay hadda ciidamadiisu dagaal kaga jiraan deegaanno ka tirsan gobalka Shabeellada Hoose oo ay 8 sano kahor sheegteen inay qabsadeen, wuxuuna ku tilmaamay in ay tani tahay waxa niyad-jabka ku ridaya Mareykanka, isla markaana ku kalifaya in ay jartaan dhaqaalahooda, maadaama uusan jirin wax hormar ah oo laga gaaray dhanka dagaalka.
Geesta kale, wuxuu Maraykanku inkiray masuuliyada duqaymaha laayaanka ah ee ay ka geystaan dalka oo ay ku dhinteen dad iyo duunyo, kuwaaas oo ay qireen warbaahinto reer galbeed ah. su’aal laga waydiiyay arinta duqaymaha ayuu Taliyahan ku dafiray gaboodfallada ay ka geysteen dalka.
Garab istaagga uu Mareykanku u fidinayay Dowladda Fedaraalka ku Dhawaad laabaatan sano ayaa hadda u muuqda inuu taagan yahay meel gabaabsi ah, waxayna arrintani soo baxaysaa xilli uu Mareykanku dhexda kaga jiro dhibaatooyin isbiirsaday oo uu ka dhaxlay duullaanka uu kuso qaaday Islaamka iyo Ehelkiisa, wuxuuna xilligan ku jiraa marxaladdii ugu liitay isaga oo geesta kale dhaqaale u raadinayaa dagaallada ka socda mandiqadda loogu yeerro Bariga Dhexe.