Maleeshiyaadka FANO oo Sheegtay in Dagaallo ka Dhacay Itoobiya ay ku Dileen in ka Badan 100 Askari .

0

Maleeshiyaadka Amxaarada ee FANO ayaa guulo ballaaran ka sheegtay, dagaallo culus oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada Gojjam iyo Gondar oo kawada tirsan gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, kuwaas oo ay la galeen ciidamada xukuumadda Addis Ababa.

War kasoo baxay kooxda FANO ayaa lagu sheegay, in weerar ay fuliyeen maleeshiyaadkeed lala beegsaday, xarun ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan xukuumadda Itoobiya iyo maleeshiyaad taabacsan, taas oo ku taalla deegaan dhaca mandiqadda Gojjam.

Weerarkaan ayay kooxdu sheegatay iney ku dishay ugu yaraan 22 askari oo isugu jira ciidanka Booliska iyo maleeshiyaadka taabacsan, iskamarkaana ay ku dhaawacday 20 kale oo qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, waxaana warka ay baahisay ku xusnaa magacyada askarta dhimashada iyo dhaawaca ku noqday weerarkaan.

Sidoo kale Arbacadii lasoo dhaafay, bayaan ay kooxda FANO ku baahisay baraha Internetka ayay ku sheegtay, in ay dishay 61 askari oo ay ku jiraan ciidamada ka hortagga rabshadaha ee dowladda Itoobiya.

Geesta kale waxay maleeshiyaadka FANO sheegteen in 40 askari oo katirsan dowladda Itoobiya ay ku dileen, weerar ay ka geysteen deegaan katirsan mandiqadda Gondar ee dalka Itoobiya, sida lagu sheegay war uu baahiyay wargeyska Ethopia News oo kamid ah warbaahinta ugu afka dheer ee Itoobiya.

Illaa iyo hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Itoobiya oo ku aaddan, guulahaan ay maleeshiyaadka FANO ka sheegteen dagaallada ka dhacay gudaha dalkaas iyo ciidanka faraha badan ee laga dilay, FANO ayaana kamid ah kooxaha ugu firfircoon ee dagaalka adag kula jira xukuumadda Adis Ababa, iyadoo marar badan fulisay weeraro lagu laayay askar badan oo Itoobiyaan ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.