Ukraine oo Sheegatay Dilka Mid Kamid ah Masuuliyiinta Dowladda Ruushka.
Weerar qarax ah ayaa ka dhacay maqaaxi ku taalla bartamaha magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka, kaas oo geystay waxyeello kala duwan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowladda Ruushka ayaa shaacisay, in qaraxaasi lagu dilay ugu yaraan saddex ruux laguna dhaawacay 15 kale.
Maqaaxida ayaa waxaa ka socotay xaflad dhalasho oo uu dhiganayay mid kamid ah saraakiisha ugu sarreysa ee dowladda Ruushka.
Ila wareedyo xagga amaanka ah oo katirsan Ukraine ayaa warbaahinta u xaqiijiyay, in ay ku guuleysteen dilka Jeneraal Alexander Chaiko oo ahaa taliyihii Ciidamada Cirka ee Ruushka, kadib markii ay qarax kula beegsadeen goobtii uu xafladda ku dhiganayay.
Waxaa xusid mudan in sarkaalkaan uu ahaa dambiile dagaal, islamarkaana uu hogaaminayay ciidamada Ruushka ee ku duulay Suuriya intii u dhaxaysay 2019 iyo 2020, waxa uuna masuul ka ahaa xasuuqyo wuxuushnimo ah oo dhacay mudadaas.