Khasaare Nafeed oo Ka Dhashay Roobab Mahiigaan ah oo Ka Da’ay Qaybo Kamid ah Dalka Ugandha.

0

Saacadihii lasoo dhaafay, dalka Ugandha waxaa ka da’ayay roobab xooggan oo sababay dhimashada dhawr qof oo isku qoys ahaa, kuwaaas oo uu gurigooda ku dhacay danab la socday roobka.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan lix xubnood oo ka tirsanaa hal qoys, oo ay ku jiraan afar carruur ah, ayaa dhintay kadib markii Danab uu ku dhacay gurigooda xilli uu da’ayay roob mahiigaan ah, kaas oo maansheeyay qaybo kamida waqooyi-galbeed dalka Uganda.

Saraakiisha Caafimaadka ee gobalkaas ayaa sheegay in Danabdku uu ku dhacay guriga xilli dhammaan xubnaha qoysku ay hurdeen, taas oo sababtay inuu dab xooggan ka kaco guriga, dabkaas oo si degdeg ah ugu fiday dhismaha.

Maamulka deegaanka oo war kasoo saaray dhacdadan ayaa sheegay in dabku uu muddo kooban ku baabi’iyay guriga, iyada oo lixdii qof ee ku jiray ay waayeen fursad ay kaga baxsadaan ama loogu gurmado. Dadka geeriyooday ayaa isugu jiray labada waalid iyo afar carruur ah, kuwaas oo dhammaantood ku naf waayay goobta.

Roobabka oo aad ugu badan dalka Ugandha xiliyada roobka, ayaa sababa khasaare ballaaran oo ay ku nafwaayaan dad badan, mudooyinkii u dambeeyay waxaa dalkaas ku geeriyooday tiro dad ah oo ku dhintay tafahaado ku dhuftay qaybo kamid ah dalkaas.

Leave A Reply

Your email address will not be published.