Maxaan Ka Ognahay Dhibaatada ay Sirdoonnada Caalamku Ku Hayaan Dalka Liibiya? [WARBIXIN]
Wadanka Liibiya oo kamid ah dalalaka Islaamka ee qarnigan la kulmay duulaanka reer Galbeedka ayaa maanta dhexda kaga jira xaalado hubanti la’aana ah oo ay xakamihiisa hayaan dowladdo shisheeye, go’aan qaadashada dalkana lagasoo meeriyo talisyo dibadda ah, sida ay qireen masuuliyiin horay xilal ugasoo qabtay Liibiya.
Hadaan dib u milicasano taariikhda dheer ee uu leeyahay dalkan Muslimka ah, waxaad ogaanaysaa in uu kamid yahay wadamada shucuubtoodu ay dagaalka xooggan kala hortageen gumaystihii kala qaysaday wadamada Afrika, waxayna Liibiya noqonaysaa wadankii Saddexaad oo gumaystaha la dagaalamaya oo kamid ah dalalka Islaamka ee Afrika, marka laga yimaado Soomaaliya iyo Suudaan.
Siraacan ay la galeen gumaystihii Talyaaniga ayaa Liibiya ka dhigay dal ay quwadaha reer galbeeedku si gaar ah isha ugu hayaan, si lamid ah Soomaaliya iyo Suudaan oo aysan ogalayn in ay ka hanqaadaan maamulo madax banaan oo awood leh, xitaa haday u hogaansamaan dimuqraadiyada ay wataan.
Wixii kadambeeyay kacdoonkii xilka looga tuuray Mucamar Al-Qadaafi oo ay garwadeen ka ahayd Dowladda Maraykanka, isla markaana garabsanaysa tobanaan dowladood ayaa dalka galiyay hubanti la’aan buuxda, waxaya maamuladii ka jiray wadankaas u qaybasameen maleeshiyaad iskasoo horjeeda oo kala taageeraya wadamo shisheeye.
Wareysi dhawaan laga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Libya, Fatxi Bashagha, ayaa daaha looga rogay qorshaha ka dambeeya sida awoodda dalka loo maamulo, sababaha heshiisyada siyaasadeed u fashilmaan, iyo waxa mar kasta dib ugu celiya Libya halkii ay ka soo dhaqaaqday.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay dhaqdhaqaaqyada cusub ee Mareykanku ka wado dalkaas iyo isbeddellada dhaqaale ee ka socda wadanka, iyada oo la isweydiinayo in tallaabooyinkaas ay horseedi karaan in ay degto xiisadda ka taagan dalka ama ay dib u kicinayso colaadda siyaasadda ee Libya.
Waxaa dalka hareeyay maleeshiyaad kala duwan, balse ka siman ka shaqaynta danaha reer Galbeedka, masuulkan la waraystay ayaa sheegay in wixii markii hore u muuqday dhacdooyin kala go’an ay markii dambe isu beddeleen sawir dhammaystiran oo muujinaya sida siyaasadda Liibya dibadda looga hagayay.
Sida uu sheegay, shirar iyo kulammo qarsoodi ah ayaa lagu mideeyay kooxo siyaasadeed oo kala duwan, kuwaas oo markii dambe sameeyay isbahaysiyo horseeday natiijooyinkii ka soo baxay shir lagu galay magaalada Geneva ee dalka Iswiisarlaand.
Wuxuu ku dooday in qalalaasaha haadaanta ka riday Liibiya aysan sababteedu ahayn musuqmaasuq oo keliya ama isku dhaca dadka Liibiyaanka ah, balse ay jireen qorshayaal siyaasadeed oo ay taageerayeen dowlado shisheeye, kuwaas oo doonayay inay abuuraan xulafo cusub oo maamula dalka Liibya.