Taliye Ciidan iyo Ilaaladiisa oo Ka Tirsanaa Askarta Dowladda Yaman oo lagu dilay weerar ka Xadramowt
Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in taliye sare oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Yaman iyo laba ka mid ah ilaaladiisii lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay gobolka Xadramowt.
Ciidamada loo yaqaan Dircul Wadan oo ah maleeshiyaad uu Sucuudigu dhisay isla markaana ka amar qaata Dowladda Yemen ayaa xaqiijiyay in taliye lagu magacaabo Usaama Ar-Radfaani iyo ilaaladiisii, kadib markii ay Xuutiyiintu la beegsadeen werar qorshaysan, iyada oo waliba kooxdii fulisay weerarku ay goobta iskaga baxsadeen.
Ilo ciidan ayaa sheegay in saddex nin oo hubeysan ay weerarka fuliyeen xilli Ar-Radfaani uu marayay deegaanka Al-Cabar ee gobalka Xudayda ee dalka Yaman.
Weerarkan ayaa imanaya toddobaadyo uun kadib markii shan askari oo ka tirsanaa isla maleeshiyaadka la baxay Dircul Wadan Al-Watan lagu dilay, saddex kalena lagu dhaawacay weerar kale oo ay geysteen kooxo hubeysan oo aan la aqoonsan, kaas oo ka dhacay degmada Ramah ee isla gobolka Xadramowt.
Gobolka Xadramowt oo ah kan ugu ballaaran gobollada Yemen ayaa dib ugu soo laabatay gacanta Dowladda Yaman horaantii sanadkan, kadib dagaallo ay maleeshiyaadka Dircul Wadan ay la galeen ciidamadii Golaha kumeel gaarka Koonfurta Yaman oo ahaa maleeshiyaad uu Imaaraadku taageero.