Ku Dhawaad 10 Ruux oo ku Geeriyootay Shil Gaari oo ka Dhacay Dalka Kenya.
Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa shil gaari oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay mid kamid ah gobollada ku yaalla dalka Kenya, kaas oo sababay dhimashada ku dhawaad 10 ruux.
Inta la xaqiijiyay sideed qof ayaa ku nafweysay shilkaan oo ka dhacay wado ku taalla magaalo dhacda ismaamulka Kirinyaga ee dalka Kenya.
Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari xamuul ah oo badeecado siday iyo Mooto Bajaaj mareysay wadada oo ay saarnaayeen shaqaale Beeraley ah.
Gaariga xamuulka ah ayaa dul maray Mooto Bajaajta, taas oo keentay in gabi ahaanba ay burburto, waxaana markii la tagay goobta la arkay iyadoo burburka Bajaajta uu ku firdhay hareeraha wadada.
Sideeda ruux ayaa ku geeriyootay isla goobta uu shilka ka dhacay, waxayna todobo kamid ah ahaayeen haween halka ruuxa sideedaad uu ahaa nin.
Dadka deegaanka ayaa ka cowday wadadaan oo ay xaaladeedu aad uxun tahay, waxayna saldhig u noqotay shilal halis ah oo marar badan ka dhacay halkaas oo geystay khasaarooyin baaxad leh.
Hal qof oo dhaawac qaba ayaa la sheegay in la dhigay isbitaalka si loola tacaalo xaaladdiisa caafimaad, waxaana ciidamada Booliska ee Kenya ay sheegeen iney xireen darawalkii gaariga xamuulka oo uu soo gaaray dhaawacay dhaawac fudud.
Dalka Kenya ayaa kamid ah wadamada ugu shilalka badan ee Bariga Qaaradda Afrika, waxaana dalkaan marar badan laga soo tabiyay shilal ay dad badan ku nafwaayeen.