Jabhadda TPLF oo Ciidamo Badan Ku Daabushay Deeganano Kaabiga Ku Haya Goballada Amxaarada.

0

Dalka Itoobiya gaar ahaan gobalka Tigreega ayaa wali laga dareemayaa saansaan colaadeed, kadib dagaalo qaraar oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday gobalkaas. Maamulka Addis Ababa ayaa maalinimadii Sabtida duulaan culus ku qaaday deegaano dhaca xuduud beenaadka uu gobalka Tigreegu la wadaago Suudaan, waxaana jira khasaare culus oo labada dhinacba kala gaaray.

Maamulka Tigreega ee TPLF ayaa dowladda Itoobiya ku edeeyay in uu jabiyay heshiiskii horay u dhexyaalay ee Piritooriya, taas oo sii kicisay xiisadda ka taagan gobalka.

Hub aruursi socday bilihii u dambeeyay ayaa keentay in uu dagaalku dib u qarxo, waxayna ciidamada Itoobiya soo saarayaan digniin ku aaddan inuu dagaalku sii xoogaysan doono.

Hanjabaadan ayaa timid kadib markii ilo amni ay sheegeen in Eratariya ay isku dayayso in ay taageero milatari siiso Tirgreega, isla markaana ay si wada jir ah duulaan ugu qaadan Ciidamada Itoobiya, xiisadan ayaana waxaa sii xoojinaya khilaafka adag ee ka dhaxeeya Addis ababa iyo Asmara.

Geesta kale, kooxda TPLF ayaa soo saartay warar sheegaya in dagaalkii doraad billowday ay ciidamada Itoobiya wehlinayeen maleeshiyaad ka tirsan RSF, kuwaas oo taageero xooggan siinayay ciidamada Xabashida Itoobiya, maadaama ay gobalka Tigreega kasoo weerareen dhanka Xuduud beenaadka Suudaan.

Eedayntan ayaa la filayaa haddii ay run noqoto, mid dagaalka u yeeli kartaa waji cusub, iyada oo ciidamada sowladda Suydaan ay iyaguna si rasmi ah u taageeri doonaan jabhada Tigrayga ee TPLF.

Sida ay sheegayan illo deegaanka ah, Jabhadda TPLF ayaa billowday abaabul dagaaleed la sheegay inuu ka socdo seddax jiho oo kala duwan, ciidamada Tigreega oo wata hub culus ayay ilo amni sheegeen in ay soo gaareen deegaanno ku teedsan gobalka Wallo, Raaya illaa gobalka Canfarta, taas oo keeni karta in uu sii xoogaysto dagaal culus oo ka billowday jihoooyin kala duwan.

Abaabulka TPLF ee jihooyinkan kala duwan ayaa la filayaa inuu qarxiyo dagaal ballaaran oo ay suuragal tahay in ay ka qeyb qaataan dowladaha dariska la ah Itoobiya oo kala taageeraya dhinacyada ishaya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.