Maamulka Puntland oo Maraykanka u Saxiixay in uu Talis Milatari Ka Samaysto Boosaaso oo Saaran Badda Cas.

0

Hogaamiyaha maamulka la baxay Puntland oo shalay kulan kula yeeshay masuuliyiin Ameerikaan ah magaalada Boosaaso ayaa waxaa kasoo baxaya xogo dheeraad ah oo sheegaya inuu heshiis cusub la galay dowladda Mareykanka, kaas oo lagu ballaarinayo saamaynta ay Washington ku leedahay deegaanada uu ka arrimiyo maamulkaas.

Heshiiskan ayaa waxaa qeyb ka ah in Mareykanku uu xarun ama saldhig millatari ka sameysto magaalada Boosaaso, maadaama ay halkaas joogan ciidamada PSF oo ah askar uu isagu dhistay, isla markaana fuliya danaha uu Mareykanku ka leeyahay deegaannadaas.

Saciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa magaalada Boosaaso kulan kula yeeshay taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika oo maalmihii u dambeeyay socdaal ku marayay goballada dalka.

War-saxaafadeedka kasoo baxay maamulka la baxay Puntland ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu u ogolaanayo dowladda Mareykanka inay joogitaankeeda ku ballaariso magaalada Boosaaso, si ay qeyb uga geysto taageerida maraakiibta Yahuudda iyo kuwa Sucuudiga ee laga xayiray inay maraan badda Cas.

Boosaaso oo ku taalla marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isla markaana uu ka taagan yahay loolan adag oo ku aadan xakamayntiisa ayuu Maraykanku u arkaa goob muhiim u ah joogitaankiisa gobalka.

Heshiiskan iyo hirgalinta talis Millatari oo uu Mareykanku ku yeesho Boosaaso ayaa ku soo aadaya xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo caqabado amni oo sii kordhaya, gaar ahaan khataraha ka taagan marin-biyoodka badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ah goob istaraatiiji ah oo ay daneynayaan dowladaha waaweyn ee caalamka.

Leave A Reply

Your email address will not be published.